Kulan lagaga arrinsanayay Xakameynta Duumada oo ka Qabsoomay wasaaradda caafimaadka

0
138

Xubinta koobaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan, waxa aynu ku sòo qaadan doonaa wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiskeeda Xakamaynta xanuunka Duumadda ayaa soo qaban qaabiyay shirkii bilaha ahaa ee Xakamaynta duumadda.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-gelay qaar ka mid ah Haayaddaha dawliga ah ee ay khusayso Xakamaynta xanuunka Duumadu, Haayaddaha Maxalliga ah iyo sidoo kale Haayaddaha Caalamiga ah ee Wasaaradda kala shaqeeya Xakamaynta xanuunka duumada.

Shirkan oo ah mid Si joogto ah bil walba loo qabto ayaa lagaga arinsadaa dibna loogu eegaa wax qabadkii bishii u dambaysay iyo qorshaha bisha soo socota sidii si wada jir ah loogu geli lahaa wax ka qabashadda iyo xakamaynta Xanuunka duumada iyo Xanuunadda ay kaneecadu keento.

Shirkan markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa laysla qaatay in la joogteeyo korna loo qaado Wacyigelinta Bulshadda ee ku aadan Xakamaynta iyo ka hortaga Xanuunada duumada iyo Xanuunadda ay kaneecadu keento, in lasii Dardargeliyo Shirarka noocan oo kale ah ee lagaga arinsanayo Wax ka qabashada Iyo Xakamaynta Cudurka Duumada iyo Xanuunadda ay kaneecadu keento

 

Leave a Reply