Itoobiya oo ka hadashay socdaal Saraakiil Wasaarada Maaliyadda ah ku joogaan

0
191

Addis Ababa (Dawan)- Wasaaradda Dakhliyada Itoobiya ayaa sheegtay inay kulamo midho-dhal ah wada yeesheen wefdi ka socday Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Somaliland, iskuna weydaarsadeen waaya-aragnimada ay is-dheer yihiin.

Wefti ka socday Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa 30-kii bishii hore ee May, 2023 safar aqoon-is-waydaarsi ah ku tagay magaalada Addis-Ababa ee Caasimada Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia. Xubnaha waftiga oo is kugu jiray masuuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan Waaxaha Cashuuraha-Berriga iyo Tiknoolajiyadda {IT& FMIS} uuna hogaaminayey Agaasimaha Waaxda C/Berriga Maxamed Ibraahim Batuun waxa ay ujeedada safarkoodu daaranayd sidii ay wax uga soo korodhsanlahaayeen guud ahaan sida uu u shaqeeyo hanaanka maamulka cashuuraha-gudaha Wasaaradda Dakhliga Ethiopia, gaar ahaana cashuuraha dadban ee iibka adeegyada iyo badeecaddaha, cashuurahaasi oo hirgalintoodu dhinaca Somaliland ku cusubtahay.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda J. Somaliland ayaa cilaaqaad fiican la leh Wasaaraddaha dhigeeda ah ee Dalalka Qaarada Africa marka ay timaado safarada aqoon-is-dhaafsiga iyo wadaagista waayo-aragnimada hawlaha maamulka maaliyadda.

Waxaana xusid mudan in 8-dii August,2022 ay safar aqoon-korodhsi ku yimaadeen Somaliland wafti sare oo ka socday Jamhuuriyadda Sierra-Leon ee dhacda galbeedka Qaaraddan Africa, waftigaas oo ka koobnaa 33 xubnood oo u hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Sierra-Leon Md. Samuel E. B. Momoh, kuwaas oo is kugu jiray qaybaha kala duwan ee Maaliyadda Dalkaasi. Iyada oo ujeedka safarkoodu ahayd sidii ay wax uga soo baran lahaayeen adeegsiga hanaanka is-wada ee Maaraynta Maamulka Maaliyadda ee IFMIS {Financial Management Information System}, kaasi oo Somaliland lagu majeerto hirgalintiisa maadaama oo uu si fiican uuga dhaqangalay, ayna hada dhamaan Hay’addaha Dawladdu u adeegsadaan bixinta kharashka iyo xarayta dakhligaba.

Wasaaradda H. Maaliyadda Somaliland ayaa dabayaaqadii sanadkii 2021 bilawday adeegsiga iyo hirgalinta mishiinka cashuurta iibka ee adeegyada iyo badeecaddaha si loo helo xisaab-celin cashuureed oo sugan, gaar ahaana iibka ay sameeyaan hudheeladu. Waxa sidoo kale mashruucan hirgalinta cashuurta iibka qayb ka ahaa iibka adeegyada isgaadhsiinta, kuwa korontada iyo iibka alaabooyinka ay warshadduhu soo saaraan ee gudaha Dalka lagu farsameeyey.

Waxaana markii uugu horaysay hudheelada la dhigay mishiinka cashuurta iibka ee loo yaqaano EFD {Electronic Fiscal Device}, mishiinkaas oo soo saara qaansheeg {Invoice} ay la socoto cashuurta ku waajibtay iibka uu sameeyey hudheelku, taas oo xadigeedu yahay 5%, runtii waa mid aad u hooseeya marka loo eego xadiga ay qaadaan wadamo badan oo geeska iyo bariga Africa dhaca. Waxaana wajigii 1aad ee mashruuca laga bilaabay magaalada Hargeisa ee Xarunta Dalka iyada oo wajiyadii xigayna lagu fidiyey hudheelada waaweyn ee ku yaala magaalooyinka  kale ee Dalka.

Safarka wasaarada maaliyadda ee Itoobiya ayaa ujeedadiisa lagu sheegay aqoon-korodhsi la xidhiidha mashruuca hirgalinta cashuurta Iibka Adeegyada iyo Badeecaddaha ee {GST}, gaar ahaana cashuurta ku waajibtay iibka adeegyada isgaadhsiinta, korontada, hudheelada iyo iibka alaabooyinka gudaha Dalka lagu farsameeyo. Mashruucan oo ay dhawaanahaniba si dardarleh u waday Wasaaraddu, waxa si wada jir ah u fuliya Waaxaha Cashuuraha-Berriga, Shuruucda, X/Dadweynaha, IT-GA, Maamulka iyo Lacagta, Baadhista-Gudaha iyo waliba Ciidanka Ilaalada Cashuuraha.

 

Leave a Reply