Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Sheegay In Qodobo Dastuuriya Uu Jabiyay Guddoomiyaha Wakiiladu

0
202

Hargeysa (Dawan) Xeerilaaliyaha  guud ee qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa faahfaahin ka bixiyay  dacwada xeerilaalinta  ku soo oogtay  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Cabdirisaaq Khaliif  Axmed.

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa waxa uu sheegay  in Cabdirisaaq Khaliif uu  jabiyay  qodobada Dastuurka  ee  129aad   123aad  ee  1aad   2aad  iyo 129aad,

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Xafiiska  xeerilaalinta waxa uu  dacwad ka gudbiyay  Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif  Axmed,taas oo ahayd dacwado  Dastuuriya qoraaal  kaas waxa aanu u gudbinay  dacwado  dastuuriya kowdii bishii lixaad 2023 Maxkamaddu dhawr  cisho ayay  darsaysay  afar  cisho ka dib ayay  naga aqbashay arjigaasi in uu waafaqsanyahay xeerarka habka  madaniga.dacwadani waa  dacwad  dastuuriya  dacwad  ciqaaba  maaha, Xeerilaaliyaha guud  waxa isticmaalay  qodobo  dastuur oo uu  jabiyay Guddoomiyaha  Golaha  Wakiilada   Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Waxaana ka mida  qofobada  uu jabiyay  qodobka 129aad  qodobka 123aad  ee Dastuurka iyo qodobka 1aad iyo 2aad ee Dastuurka iyo qodobka 129 ee dhaarta oo dalkii uu u dhaartay in uu ku xadgudbaytaas oo ah in uu jabiyay qodobka Dastuurka ka mida,waxaana qodobadaasi  sheegayaan qaranimada iyo  Madaxbanaanida Jamhuuriyadda  Somaliland.dacwadani waa  dacwad Dastuuriya,waana dacwadaha qaranka ugu sareeya oo Maxkamad laga  furo,waxa kale oo uu jabiyay xubinimada Golaha cida go,aaan ka gaadhi  kartaa ee  cadayn kartaa waa  Maxkamadda, qodobka 49aad ee dastuurka ayaa sheegaya  in Xildhibaanka Golaha Wakiilada  lagu  oogi  karo dacwad aan ciqaab  ahan.taas  oo  aan looga baahnan  Golaha Wakiilada wax ogolaasha  qodob kaas  ayaa  xeerilaalinta  raacday  oo  u ogolaaday   in dacwad ku soo oogto  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif   Axmed,”.

 

 

 

 

Leave a Reply