IGAD oo Xalka Laasacaanood ku Sheegay Talaabo Xukuumadu JSL Shan Bilood Horteed Ku Baaqday

0
370

Jabuuti (Dawan)- Urur-goboleedka IGAD ayaa soo jeediyey in xalka khilaafka Laascaanood loo maro dariiqa wada hadalka.

War murtiyeed ka soo baxay shirweynahii 14aad ee Madaxda Urur-goboleedka IGAD ku yeesheen dalka dalka Jabuuti ayaa qodobadii laga soo saareeay qeyb ka ahayd xalka mowqifkooda khilaafka Laascaanood iyo xabad-joojin ay ku baaqeen.

War muriyeed dheer oo xubnaha IGAD dhamaadkii kulankooda soo saareen 12 June, 2023 ayey ku yidhaahdeen mowqifkooda xalka Laascaanood; sidan “Waxay ugu baaqeen dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal iyo wada-hadal;

Talaabada IGAD ee xalka Laascaanood ayaa la mid ah mowqifkii xukuumada Somaliland shan bilood horteed ka soo saartay xalka Khilaafka Laascaanood, wallow Garaadada iyo guddida 33-ka nin ee Gobolka Sool marar kala duwan gaashaanka ku dhufteen aqbalaadiisa.

 

Leave a Reply