Wasaaradda Caafimaadka oo tababar mihiima u Dirtay xubin ka socotay wasaaradda.

0
212

 

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka todobaadkan  waxa aynu ku soo qaadan doona agaasimaha Waaxda adeega Caafimaadka iyo cisbitaalada wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland  ayaa ka qayb-gelay tababar aqoon korodhsi Caalami ah oo muddo 14 maalmood uga socday dalka Taiwan.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa  sida Cisbitaalada iyo Tiknoolajiyadda iskula jaan qaadayaan.

Tababarkan mihiimka ah waxa soo qaban qaabisay  Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga iyo horumarinta (ICDF) ee dalka Taiwan.

Tababarkan ayaa waxana ka qayb-galay 23 dal oo adduunka ah, wasaaradda horumarinta Caafimaadku waxay mar walba heegan tahay sidii shaqalaha wasaaradu ay u heli lahaayeen tababarada Caalamiga ah si ay uga soo faa’idaystaan dalkana ugu soo celiyaan aqoontaa ay ka soo qaateen.

 

Leave a Reply