Maalinta Caalamiga ah ee Dhiig-bixinta Adduunka oo Hargeysa lagu Qabtay

0
243

Hargeysa (Dawan) Maalinta Dhiig Bixinta Adduunka waxaa la qabtaa 14-ka Juun sanad walba marka la gaadho.

Munaasibadan ayaa waxaa markii ugu horreysay la qabtay sanadkii 2004, waxaana si wada jir ah u abaabulay Ururka Caafimaadka Adduunka, xidhiidhka Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas si kor loogu qaado wacyiga baahida loo qabo in dhiig la helo, wax-soo-saarka dhiiga, iyo in looga mahadceliyo dhiig bixiyaasha dadaalo naf badbaadin ah ee ay sameeyeen.

Sanadkan hal ku dhiga maalintan caalamiga ah waxay tahay “Bixi dhiig, si aan nolol u wadaagno” waxaana looga gol leeyahay marwalba bad baadinta bukaanada dhiiga u baahan, iyadoo la bixinaayo dhiig deeq ah oo aan wax lacag lagu qaadaneyn.

Dalkeena nidaamka deeq bixinta dhiiga ama keydinta dhiiga waa mid aan hormarsaneyn, sidoo kalena shacabku siweyn uguma baraarugsana bixinta dhiiga in nolol lagu bad baadin karo, markasta oo qof dhiig loo baahdana waxa aad arkaysa iyada oo la raadinayo cida Dhiig hebel meela maku garanaysa, ama qof ay qofkan bukaanka ah ama dhiiga u baahday ay isku dhiig yihiin meela maku garanaysa, waa dhibaatooyin jira ilaa haddana aan la xalin una baahan tallo Qaran iyo qorshe midaysan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ka qayb galay munaasibada loo sameeyay maalinta Dhiig bixinta oo ka qabsoontay Jaamacada, ayaa sheegay in faa’ido badan ay u leedahay qofka dhiiga shubaya, isla markaana uu badbaado u yahay qofkale oo u baahan.

Waxaanu yidhi.“Waa ILAAHEY mahadii mar haddii aynu leenahay shaqaale xirfad u leh hawsha dhiig shubista, waa sadaqo mida ugu qaalisan, in qofku dhiigiisa qof kale ugu deeqo si ay noloshiisu u badbaado isaga oo ILLAAHEY la kaashanaya.

Waxa garanaya dhiig shubista qof isagu u baahday ama qoyskiisu u baahday, kaliya maaha in bulshada aan ku baraarujino inay dhiiga shubaan, balse waa in aynu ku baraarujina faa’idooyinka uu leeyahay dhiiga la shuba, in culayska la saaro qofka dhiiga shubaya faa’idada uu u leeyahay, waa in ogeysiisyada aynu gidaarada ku dhajino aynu raacino in qofka shubaya walaalkiina uu badbaadinayo isagana faa’idooyin kala duwan u leeyahay, waxaan leeyahay muwaadin dhiiga shub si aad u badbaadiso qofka walaalka ah ee u baahan.”

 

 

Leave a Reply