Qodobo ka soo Baxay Shirkii Maayiradda Dalka ee Burco

0
349

Burco (Dawan)- Shir laba maalmood uga socday maayiradda dalka magaalada Burco oo shalay soo dhamaaday ayaa laga soo soo saaray qodobo kala duwan.

Shirkan oo maayiradda dalku ku falanqeynayeen qorshaha shanta sannadood ee soo socda 2023-2027 laguna qabtay xarunta gobolka Toghdeer ee Burco ayey soo qabanqaabisay Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASAL.

Maayirka Caasimada Dalka Md. Cabdikariim Axmed Mooge iyo Maayirka magaalada Burco Md. Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi oo hadalo ka jeediyey ayaa sheegay ayaa ka warbixiyey qodobadii shirka lagaga dooday.

“Shirka Maayirada JSL oo lagaga doodayey laguna ansixinayey qorshaha shanta sannadood ee DH ayaa qodobadii ka soo baxay ka mid ahaayeen;

In ururka Dawladaha Hoose taageersan yihiin midnimadda Jamhuuriyadda Somaliland, una rajeynayaa Qaranka horumar waara.

Waxay taageersan yihiin adkaynta iyo sii-wadidda maamul-daadejinta iyo adeeg-bixinta dawladaha hoose.

Maayirka Burco Md Cabdirisaaq Ibraahim oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in laga gaadhay ujeedooyinkii ururka Dawladaha hoose shirkooda u qabsadeen.

 

Leave a Reply