“Habka ugu Wanaagsan ee Musiibooyinka Dabiiciga ah Loo Maamuli Karaa Waa Inuu Jiro Qorshe…”

0
179

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland ayaa ka qayb galay kulan lagaga wadahadlaayo sida loo maarayn karro masiibooyinka dabiiciga ah.

Kulankaasi oo shalay ka qabsoomay caasimadda Hargaysa, waxaa soo qaban qaabisay haayadda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah, iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda JSL, goleyaasha deegaanka dalka qaarkood.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay xubno ka socday ururadda maxaliga ah, iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.

Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaa ka Somaliland oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay siyaabaha lagaga gaashaamanka karro masiibooyinka dabiiciga ah.

Waxaanu sheegay in habka ugu wanaagsan ee wax lagaga qaban karro masiibooyinka dabiiciga ah ay tahay in qorshe laga yeesho.

Agaasimuhu waxa uu tilmaamay in doorka ay ku leeyihiin goleyaasha sharci dejintu wax ka qabashadda arrimaha deegaanka, iyo khayraadka dabiiciga ah in ay diyaarin shuruucdii lagu ilaalin lahaa.

“Wax waliba waxay ka soo bilaabmaan siyaasadda. Idinka na waxaa muhiim ah inaad fahamtaan doorkiina shaqo, ama sharci ee idinkaga aadan, sidii looga hor tegi lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladu, waxay wada shaqayn dhaw la leedahay haayadda NEDFOR, oo shaqooyin badan u qabata qaranka.

Sidoo kale dawladaha hoose ee dalka, oo ay caasimadda Hargaysa koow ka tahay”ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland waxa uu sharaxay hanaanka ugu haboon ee looga gaashaaman karro masiibooyinka dabiiciga ah.

“Habka ugu wanaagsan ee musiibooyinka dabiiciga ah, loo maamuli karaa waa inuu marka hore jiro qorshe” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

 

 

Leave a Reply