WEEDHA WARGEYSKA: Doonista Mucaaridku Waa Damac Kala Waynaaday Danaha Qaranka!

0
158

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada waxa ay shalay labada xisbi Mucaarid ku dhisayeen Kursiga guddoomiyaha mudane laga soo doortay Gobolka Sool oo ahaa Cabdirisaaq Khaliif, waxaana uga muuqday laba fursadood oo kala ah inay kasbadaan aqlabiyada codka gobolkaasi yaalla iyo inay muujiyaan musawir siyaasaddeed oo ah inay danaynayaan inay bulshada Sool door muuqda ku yeellato hogaaminta hay’addaha sar sare ee Qaranka.

UCID iyo WADDANI markii ay qorshahaasi deggayeen 2021, waxa odoroska isbedelada dhici kara kala humaag weynaa hunguriga ay ka qabeen waxa ay u goynayaan labadaas qodob ee aynu kor ku xusnay.

Hase yeeshee laba sanno kaddib markii ay soo korodhay Xaalada ka taagan Magaalada Laascaanood, xil-ka-tegista Guddoomiyihii ay shalay dhisayeen iyo duruufaha aan wali saldhigan ee miyirka iyo maareynta u baahan ee Laascaanood, Xisbiyada mucaaridka (WADDANI iyo UCID) waxa ay arrimahaasi siyaasaddooda wareejiyeen xariiq Sagaashan ah.

Sida ka muuqata dhaqdhaqaaqooda iyo dhambaal-warreedkooda maalmahan ee ku taxaluqa buuxinta jagada uu baneeyey siyaasigii ay tuurta ku siteen (Cabdirisaq khaliif) waxa ay doonayaan inay kursigaasi ku dhisaan iminka mudane ka soo baxay Gobol kale oo aan ahayn Sool, taas oo sida la dareemayo ay uga dan leeyahay inay ku iibsadaan ama ku hillaadiyaan huwan siyaasaddeed oo taageero u soo kordhisa, iyagoo taas bedelkeeda ka rejo-dhigay saamileyda gobolka Sool ee dhanka siyaasadda, kana helayn cod marka la gaadho Doorashooyinka.

Damaca noocaas ah ee ka Ullan dharaarahan dhanka xisbiyada mucaaridka iyaga ha u ahaato xeelad siyaasaddeede, waa doonis kala waynaatay danaha qaranka, gaar ahaan isku-haynta Dalka iyo Dadka gobolka Sool, isla markaana waxa ay fogaynayaan oo ay xuquuqdoodda naqusinayaan gabi ahaanba bulshada ka soo jeeda gobollada Sool, Xaysimo, Buuhoodle, Badhan iyo qaybo kamida gobolka Sanaag oo saami-qaybsiga saddexda hay’addood ee Qaranku ka kooban yahay ku lahaa Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaana haddii ay tooda noqoto xisbiyada Mucaaridka, fashilinta qorshahaasina uu hoos maro mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee dooranaya Shirguddoonka dhaawac weyn ayaa soo gaadhaya Qaranka ama waxay taasi sii xoojinaysaa tabashooyinka ay qabaan bulshada gobollada Bariga.

Sidaas-darteed xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo guud ahaan saamileyda siyaasadda Dalku, iyagoo tix-gelinaya duruufaha ku gedaaman is-aaminaada iyo wada-lahaanshiyaha nidaamka Dawladdeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada gobollada aynu xusnay ku dhaqan, qiimaynayaana wakhtiga adag ee lagu jiro, waxa waajib ah in Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada lagu dhiso Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo ah mudane tacab iyo talo soo-jireen ah ku leh dhismaha Qaranka, waxaana hubaal ah inuu yahay Oday waayo-arrag ah oo soo afjari kara fidmada lagu soo dhex-tuuray magaalada Laascaanood horaantii sanadkan ee Qaranku la tacaalayo, taasoo aanu u yaraysan iminka oo uu xildhibaan yahay, shaqo badanna uu ka qabtay intii ay taagnayd.

Hadal waa gune, mudaneyaasha golaha Wakiilladu, iyagoon xisbi iyo qabiil midna u eegin ha u doorteen guddoomiye Yaasiin Faratoon, xisbiyada mucaaridkuna ha joojiyeen olollaha ay ku kala irdhaynayaan dadka qaranka Somaliland wada leh ee u baahan in laysugu soo jiido dheeli-tirka saami-qaybsiga, haddii uu damac kaga jiro inay kursigaas mar kale qabtaana ha u sharaxeen mudane ka soo jeeda Sool oo Yaasiin kula tartama, haddii kale xaalkoodu wuxuu noqonayaa oo taariikhdana u geli doonta ” in doonistoodu ay tahay damac kala waynaada danaha Qaranka!

 

 

 

 

Leave a Reply