Siyaasiyiin Guddoomiyaha Gobolka Selel ka Difaacay Eedaymo loo Jeediyay

0
210

Hargeysa (Dawan) Maayirkii hore ee degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi, ee wakhtigii Daahir Riyaale iyo Siyaasi Cabdilqaadir Maxamuud Dhuxul, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa guddoomiyaha gobolka Selel Mawliid Maxamed Nuur ku boggaadiyay shaqada wanaagsan ee uu kawado gobolka.

Sidoo kale siyaasiyiintan ayaa guddoomiye Mowliid ka difaacay eedaymo loo soojeediyay guddoomiyaha gobolka Selel, waxaanay fariin u direen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi hadaladoodiina waxa ka mid ahaa.

Siyaasi Cabdilqaadir Maxamuud Dhuxul oo ka marag kacay waxyaabihi u qabtay intii uu guddoomiyuhu joogay waxa uu yidhi.“Waxaanu nahay bulshadii ku noolayd gobolka Selel, eedaha loojeeiyay iyo hadalada meel ka dhaca ah xaal ayaanu ka siinayna guddoomiyaha, madaxweyne waanu mahadinay ninka guddoomiyaha ah waxqabad fiicana wuu muujiyay mudadii uu xilka hayay, noodaa”

Maayirkii hore ee degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi, ee wakhtigii Daahir Riyaale waxaanu yidhi.“Mashaariico kala duwan ayaa laga hirgeliyay magaalada mudadii uu joogay guddoomiye Mowliid, Baanka si fiican ayaa loo dhisay, jid guud ahaan magaalada Saylac ku soo wareegaysa ayaa laga hirgeliyay, waligeed lagama hirgelin maamulkan ka hor, siyaasada sida fiican u socota in wax yar oo aan buurnayn aynu ku baabi’ino maaha, maamulaha kastamka, isu’duwaha hay’adda qaxoontiga iyo masuuliyiinta kale ee jooga gobolka Selel ee guddoomiyuhu ugu horreeyo waala mahadiyay.

Guddoomiye Mowliid masuuliyiinta gobolka kala shaqeeya siyaasada dowladda ayuu ku hagaa, sidaasi darted waxa aanu leenahay madaxweyne ninkaa aad noo soo dirtay wuu noo qalmaa, masuuliyiinta halkan kuu jooga waa kuwa xilkii loo igmaday sida ay tahay uga soo baxay”

 

Leave a Reply