Iska Dhaaf Wixii Aan Ku Khusayn!

0
252

Nin ayaa Nabiga (scw) wuxuu waydiiyay qofka dadka ugu caqliga badan, wuxuu Nabigu yidhi (scw) yidhi : “ Dadka had iyo jeer xusuusta geerida oo mar kastana u diyaar garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka u caqli badan, waxay la tageen sharaftii aduunyada iyo karaamadii aakhiro” (Ibnu maajah).

Saxaabiga Anas (rc) Ilaahay ha ka raali ahaadee wuxuu yidhi : waxaan maqlay Rasuulka Illaahay (SCW) oo leh Illaahay wuxuu yidhi ( Xadiisal Qudusi):

“Ina Aadamow inta aad ii yeedhaysid oo aad iga rajo qabtid waan kaa dhaafayaa wixii dembiyo kaa dhaca, anigoon dan ka galayn badnaantooda & xumaantooda, xataa Haddii dambiyadaasi cirka gaadhaan, kaddibna aad i weydiisato dembi-dhaafn waan kuu dembi dhaafayaa”.

Waxaa laga weriyay Abuu Hureeyra (Rc) inuu yidhi Rasuulkii llaahay (scw) wuxuu yidhi:
“Qofka Islaamka wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha la gelin arrimo aanu shaqa ku laheyn.” Waa xadiis Xasan ah. Waxaa weriyay Tirmidi iyo kuwa kale.

Leave a Reply