Xildhibaan Axmed Ini oo Shaaciyay Hankiisa Musharaxnimo ee Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL

0
182

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse (Axmed Ini), oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ahna ku simaha guddoomiyaha guddida joogtada ee golahaasi, ayaa shaaca ka qaaday in uu u taagan yahay shir-guddoonka golaha wakiillada, isla markaana uu ka qayb galayo doorashada soo socota ee la doonayo in lagu doorto xubnaha cusub ee shir-guddoonka, kadib markii uu is casilay guddoomiyihi hore ee golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Waxaanu yidhi “Doorashadu marka la yidhaahdo waa doorasho ninka yidhaahda waan sharaxanahay uunba la doortaa, nin iska jooga lama soo qabto, marka taasi jirto tartana wuu imanaya, tartankaasi ayuu ku soo bixi doona cidda la dooranaya.

Anigu waxaan is leeyahay ka mid noqo nimanka musharaxiinta ah ee Shir-guddoonka u tartamaya haddii ILLAAHEY yidhaahdo, dhawaan ayaan caddayn doona booska rasmiga ah ee aan u tartamayo, waxaanan diyaar u ahay in aan tartanka u ahay”

Geesta kale golaha wakiillada JSL, ayaa la fasaxay muddo 5 toddobaad ah xilli uu wali bannaan yahay kursiga guddoomiyenimo ee golahaasi.

Sida ku cad qodobka 10-aad ee xeer hoosaadka golaha wakiillada JSL, farqadiisa 5-aad, bannaynta xilka guddoomiyenimo ee golaha wakiillada waxa lagaga doodaya looguna codaynaya 7 cisho gudahood, iyada oo iscasilada guddoomiyaha goluhu isla wakhtigaasi ay go’aan ka gaadhi karaan.

Fasaxa golaha la galiyay ayaa ka dhigan in 5-ta todobaad goluhu sii ahaando bila guddoomiye, isla markaana aan la buuxin booskii uu baneeyay guddoomiyuhu, sidoo kalena aan la dhaarin xubintii lahayd jagada ka banaanatay golaha ee ku xigtay isaga.

Dhanka kale wali goluhu kamay jawaabin iscasilada guddoomiyahoodii hore u soo gudbiyay sida xeer hoosaadkoodu, oo ahayd inay aqbalaan ama diidan, ilaa haddana may caddayn doorkooda ay ku leeyihiin arrintan.

Waxa jira murashixiin badan oo u orodaya Shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland, iscasiladii guddoomiyihi hore ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed Kadib.

 

Leave a Reply