Guddoomiyaha UCID oo ku Baaqay in La Soo Af-jarro Colaadda ay Magaalada Laascaanood ka Wadaan Kooxaha Huwantu

0
266

Qore Khadar Cabdi Muuse

Salaxley (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in kooxaha colaadda ka wadda Laascaanood ay warar been ah u gudbiyeen caalamka.

Taasoo ah in garraadadda iyo kooxaha huwanta ah ee Laascaanood kula dagaalamaya ciidanka qaranka JSL in ay adduunka u gudbiyeen waxyaabo aan jirin oo ah in la xasuuqay.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku taliyay in si dhakhso ah ay Somaliland u soo af-jarta dagaalka ay kooxaha nabad-diidku ka wadaan Sool, isla markaana ciidanka qaranka loo fasaxo in ay waajibaadkoodda ka gutaan.

Waxaanu tilmaamay in xaaladda colaadeed ee ka taagam Laascaanood in ay soo abaabuleen cadowga Somaliland oo isku soo baahaystay in ay dumiyaan jamhuuriyadda Somaliland.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Cadawgeenu wuxuu go’aansaday in ay Somaliland bur-buriyaan. Laakiin, inama bur-burin karaan, inagoo dawlad sodon sanadood jirtay ah.

Dawladda Somaliland waxaan leeyahay xaaladda Laascaanood ka taagan, ee maalin walba inta ciidankeena la soo weeraro ay iska difaacayaan, ha la soo af-jarro”.

Wuxuu sheegay Eng. Faysal, garraadada iyo kooxaha dagaalka ka wadda Laascaanood in ay adduunka gaadhsiiyeen been ah in la xasuuqay, iyadoo aanu jirin ha ba yaraatee wax xasuuq ah oo ay Somaliland ka gaysatay Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in la soo af-jarro colaadda ay kooxaha huwanta, iyo nabaddiidka ahi ka wadaan Laascaanood, isla markaana laga dhabeeyo hadalkii taliyaha ciidanka qaranka JSL.

“Laascaanood nabadi kama soo socoto, oo dadkii deegaanka u ahaa waa laga qixiyay. Waxaana fadhiya maleeshiyaad shisheeye ah, oo meel walba ka timid, in la sii eegta na maaha.

Adduunka been baa la gaadhsiiyay, waa la na xasuuqay, iyadoon xasuuq ba ka dhicin. In Laascaanood la bur-buriyay ayay garradadu sheeganayaan.

Waxaan ka codsanayaa xukuumadda in ay tallaabo deg-deg ah qaado, oo hadalka uu yidhi taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ee uu yidhi dib danbe u daawan mayno.

Difaaca dalka markay noqoto, la ma xarrago dagaalamo ee waa la dagaalamaa, waa na la soo af-jaraa, guushana waa la soo dadajiya. Guusha inagaa leh insha Allaah” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo kormeer shaqo ku soo maray goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta ee Bali-gubadle, iyo Salaxley.

Geesta kale Eng. Faysal, ayaa ugu baaqay bulshadda gobolka Hawd, iyo degmadda Salaxley, in ay qaataan kaadhadhkoodda.

Waxaanu yidhi “Waxaanu idinku dhiiri gelinaynaa in aad kaadhka codbixinta qaadataan. Waayo? Waxaa muuqata in aanay dadku sidii la rabay u qaadanaynin kaadhadhka. Masuuliyadaasi waxay saaran tahay dadka masuuliyiinta ah ee ka soo jeedda deegaamadani.

Kaadh qaadashadda waxaa lagu jaan-goynayaa horumarka deegaanka. Marka la doonayo in la qorsheeyo horumarka deegaan, waxaa lagu jaan-gooyaa bulshadda meesha degan”.

 

 

 

 

Leave a Reply