Ahmiyada Nafaqada Caruurta iyo Cunnooyinka ugu fiican ee lagu Nafaqeeyo

0
473

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona ahmiyada nafaqada  carruurta iyo cunooyinka ugu fiican rr lagu nafaqeeyo. Caruurtu waxay u baahan yihiin nafaqo lamid ah mida dadka waa wayn ay helaan.

Qof walba wuxuu u baahan yahay nafaqo si jidhkiisu uu u joogteeyo caafimaad qabka, balse carruurtu waxay dadka waa wayn kaga duwan yihiin jidhkoodu wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah, sababtoo ah jidhkooda wuxuu sameynayaa koritaan joogto ah.

Ilmaha aan helin nafaqo kufilan waxaa ku dhici kara xannuuno ka dhasha nafaqa darradda, sidoo kale waxaa yaraanaysa koritaankooda.

Noocyada nafaqada carruurta ama macdanaha ilmuhu u baahan yahay waxaa kamid ah, fiitamiinada, borotiinada, kaarbohaydarate, iwm.

Ku dadaal oo ka taxadar koriimada ilmahaaga, caanaha naaska hooyada ayaa ah kuwa ugu nafaqada badan ee ilmuhu u baahan yahay. Nafaqada kujirta caanaha naaska hooyadu waa mid isku dheelitiran, wax walbana laga helo.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in caanaha naaska hooyadu ka hortagaan cuduro badan.

Waxaa kaloo la ogaaday in ilmaha caba caanaha naaska hooyadu inuu ka koriima fiicnaado kana maskax fiicnaado ilmaha aan cabin caanahaas.

Baro oo sii ilmahaaga nafaqada ku haboon

Borotiinada: Boratiinku waa maado jidhkeenu u baahan yahay, waxay ka qayb qaadataa dhismaha murqaha jidhka.

Cuntooyinka laga helo boratiinka ugu badan waxaa kamis ah; Cuntooyinka bada sida kaluunka, beedka, digirta, lowska, hilibka xoolaha.

Sharaabka laga shiido midhaha: Ku dhiira geli ilmahaaga inuu cuno midho badan sida, canbaha, liinta, babaayga, mooska.

Sidoo kale sii ilmahaaga sharaabka laga sameeyay midhaha aan soo sheegnay, balse ha ku darin wax sonkor ah.

Ha u soo iibin  ilmaha sharaabka quraaradaha kujira, waayo waxaa laga yaabaa in lagu daray sonkor xad dhaaf ah.

Qudaarta Cagaaran: Bar oo sii ilmahaaga khudrada cagaaran, khudrada cagaaran waxay siyaadisaa abateedka qof walba.

Cuntooyinka leh gaaska: Cuntooyinka gaska leh waxaa kamid ah, hadhuudhka ama masagada, galayda, boorashka.

Dhamaan cuntooyinka gaaska leh waxay caawiyaan caafimaad qabka caloosha, dadka badsada cunida cuntooyinkaas waxay ka bad baadaan cudurada caloosha ku dhaca sida gaas calooleedka.

Carruurta oo la siiyo cuntooyinkaan waxay ka faa’idaan koriimo caafimaad qabta iyo fir fircooni.

 

Kula dadaal ilmahaaga cunida ama cabida cuntooyinka laga sameeyo caanaha xoolaha ee aanay sonkortu ku badnayn, sida, ciirta, caana garoorka, farmaajada.

Ka ilaali ilmahaaga cuntooyinka ay ku badan yihiin dufanta iyo sonkortu.

Labadaas shay jirkeenu kama maarmo laakin waan in siifican loo xakameeyaa sababtoo ah waxay siyaadiyaan khatarta xaalado caafimaad.

U noqo ilmahaaga qof ay ku daydaan, waxaa hubaal ah haddii waalidku aanu daryeelin cunnada uu cunayo in ilmuhuna la mid noqonayo waalidkiis.

Ogoow carruurtu waxay mar walba ku daydaan waalidkood, sidaa owgeed tus oo bar ilmahaaga cuntooyinka u wanaagsan caafimaadkiisa.

Khasaaraha ay leedahay Buurnaanta caruurtu

Buurnaantu sideedaba maaha wax fiican, waxaana laga qaadaa cuduro halis ah, sida wadna xanuun, dhiig kar, sonkorow, neef, hurdo xumo, qaar kamid ah kaankarada, niyad jab, bulshada oo takoorta qofka, cidlo iyo kalinimo, jimcsiga oo ku adkaada qofka iyo waxyaalo kale oo badan.

Faa’idada ay lee dahay nafaqada caruurta

Koritaanka ilmaha oo si miisaaman u socda

Maskaxda ilmaha oo caafimaad qabta

Waxbarashada ilmaha oo wanaagsanaata

Lafaha iyo murqaha ilmaha oo xoog yeesha

Dhaawacyada soo gaara ilmaha oo si deg deg ah ku buskooda

Difaaca jirka oo adkaada

Waxa sidan lagu sheegay oo aan ka soo xiganey mareegta arrimaha caafimaadka wax ka qorta ee Daryeel Magazine.

Leave a Reply