Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO oo si Wada-jir ah Tababar ugu Soo Xidhay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka

0
249

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan dooma wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL,  oo kaashanaysa hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa  tababar laba Maalmood socday usoo xidhay qaar ka mid ah Shaybaadhistayaasha ka hawl gala Xarumaha Caafimaadka ee gobolladda Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil.

Sidoo kale waxa wasaaradda iyo WHO, ay tabbbar u furi doonaan  Shaybaadhayaal ka kala socda  gobolladda Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd kor u qaadista iyo tayaynta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Caafimaadka ee dhamaan gobolladda dalka, ayaa waxaa tababarkan bixinayay Khuburo kala duwan oo ka kala socday hay’adda Caafimaadka aduunka WHO iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaaddka, iyadoo lagu tababarayay habka ugu habboon ee shaybaadhayaashu u baadhi lahaayeen xanuunadda degdega u faafa sidoo kalana ugu shaqyan lahaayeen goobaha Caafimaadka ee ay ka hawl galaan.

Masuuliintii ka socday laba dhinac ee wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo hay’adda Caafimaadka aduunka WHO,  ayaa hadalo kala duwan oo dardaaran iyo duco ah u jeediyay Shaybaadhistayaasha qaatay tababarkan,  ayaa ka codsaday  inay weeleeyan aqoontii la siiyay shabaadhlayaasha isla markaana ugu adeegaan bulshada aqoontii iyo khibradii ay halkan ka qaateen, iyagoo hoosta ka xariiqay ahmiyadda Shaybaadhayaashu u leeyihiin xarumaha Caafimaadka ee dalka taaso ah goobaha ugu muhiimsan xarumaha Caafimaadka.

Wasaaradda Horumarinta caafimaadka JSL, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd sidii loo tayayn lahaa aqoonta shaqaalaha korna loogu qaadi lahaa xirfadooda si ay ula jaan qaadaan isbadaladda maalinba maalinta ka dambaysa ku imanaya habkii iyo nidaamkii loo shaqaynayay ee dunida casriga ah.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland  Dr.

Maxamed Cabdi Xergeeye,  ayaa  dhagax dhigay balaadhin iyo dib u habayn lagu samayn doono xarunta hooyadda iyo dhalaanka ee deeganka Carro-madaw ee dagmada Fara weyne.

Munaasibadii  dhagax dhigan  waxaa agaasimaha guud ku kala qaybgalay isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Maroodijeex Dr. Cabdicasiis Cumar Muuse iyo saraakiil sarsare oo ka socotay hay’adda Save the Children oo wasaaradda ka taageeraysa dhismaha iyo balaadhinta lagu samaynayo xaruntan caafimaad.

Qaar ka mida bulshada degaanka  Carro-madaw ayaa soo dhaweeyay dib u habaynta iyo balaadhinta lagu samaynayo xaruntan Caafimaad, waxaanay balanqaadeen inay ilaashan doonaan marka la dhammeystiro xaruntan Caafimaad.

Masuulinta ka socotay hay’adda Save the Children oo dhankooda hadalka qaatay ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaaga si adeegyadda Caafimaadka loo gaadhsiiyo goob kasta oo u baahan, horana ay wasaaradda ugala shaqayn jireen socodsiinta adeegbiixinta xarumaha Caafimaadka.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa dhankiisa ka waramay ahmiyada uu leedahay balaadhinta iyo horumarinta lagu samaynayo xaruntan Caafimaad bhlshada degaankax oo la rajaynayo inay noqoto xarun Qaabisha Caruurta iyo Bukaanadda deegaanadda ku hareeraysan isagoo xoosta ka xaqiiqay inay wasaarad ahaan  marwalba diyaar u yihiin sidii loo horumarin lahaa goob kastana loo gaadhsiin lahaa adeegyadda Caafimaadka.

 

 

 

 

Leave a Reply