Caalamka Oo Mar Kale Ka Gaabiyey Tilmaamidda Dhinaca Diidan Xalka Khilaafka ka Taagn Laascaanood

0
284

New York (Dawan)- Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay oo ka hadlay xalka khilaafka Laascaanood ayaa mar kale ka gaabiyey tilmaamida dhinaca diidan xal ka gaadhisteeda xaaladda Laascaanood.

Kulan khamiistii Golaha Amaanku ka yeeshay Soomaaliya ayaa dhaamntood xalka khilaafka Laascaanod ku sheegeen in xabad-joojin iyo wada hadal loo maro, inkastoo aanay sheegin dhinaca diidan xalka khilaafka.

Xukuumada Somaliland oo muddo shan bilood horteed soo jeedisay xabadjoojin dhinaceeda ah iyo in khilaaf kastoo jira miiska wada hadalka lagu dhameeyo ayaa nasiibdaro Garaadada iyo Waxgaradka gobolka Sool ay diideen aqbalaadeeda.

“Wax badan ayaa loo baahan yahay si loo gaadho xabad joojin, si loo hakiyo rabshadaha ka socda Laascaano, Somaliland, loona ogolaado loona fududeynta gargaarka bini’aadantinimo ee aan la carqaladeyn, iyo in la bilaabo wada hadal wax ku ool ah oo lagu xaliyo khilaafka.” Ayuu yidhi ergeyga Maraykanka ee Qaramadda Midoobay.

Sidoo kale, Xubnaha Golaha amaanka oo mowqifka Somaliland ee xalka khilaafka mid la mid ah soo jeediyey, ayaan weli fhinac kale ku dhiiran inay cadeeyaan dhinaca diidan xalka khilaafka Laascaanood.

Khilaafka Laascaanood oo dhibaato badan ka soo gaadhay shacabkii magaalada ka qaxay ayaa xukuumada Somaliland marwalba diyaar u ahayd taakulayntooda, marar kala duwana taakulayn raashin ku gaadhsiiiyeen deegaamadii ay u soo qaxeen ee gudaha dalka.

 

 

Leave a Reply