Diyaar garowga Ciidul Adxa oo laga dareemayo suuqyada xoolaha Hargeysa.

0
286

HARGEYSA (Dawan) – Magaalada Hargeysa    ayaa waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro dabal dega munaasabadda Ciidul Adxa oo muddo kooban ay naga xigto.

 

Goobaha ugu badan ee laga dareemayo diyaar garowga ayaa waxaa ka mid ah suuqyada lagu iibiyo xoolaha maadaama inta badan ciidan dadka ay gowracan xoolaha ugu badan.

Cidhiidhi badan iyo sawaxan ayaa ka jira Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa, dadka xoolaha dhaqato beeraleyda ah ayaa xilligan suuq u hela xoolihii ay tacabka badangeliyeen, waxaana looga iibsada labada cisho ee maalinta ciida ka horeeya xoolaha la Gawracayo maalinta ciida.

Leave a Reply