Kulan Lagu Dalbanayo Aqoonsiga JSL oo 26 June Ka Dhacaya Geneva

0
203

Geneva (Dawan)- kulan lagu dalbanayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 26 June lagu qaban doonaa caasimada dalka Geneva.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Aqoonsiga iyo horumarinta dimoqraadiyada iyo ururka Swiss Somaliland ayaa qorshaynaya tusitaanka caalamka sida Somaliland uga go’an tahay nabadda, dimuqraadiyadda, iyo horumarka, isla markaana la gaadhay wakhtigii beesha caalamku aqoonsan lahayd oo ay taageeri lahayd dedaalladaas.

Xafladan ayaa la filayaa inay khudbado ka soo jeediyaan madaxda bulshada iyo dadka u ololeeya bandhig dhaqameed oo muujinaya hidaha iyo dhaqanka Somaliland.

Qaban-qaabiyaasha ayaa ku booriyay qurba-jooga Somaliland inay si mug leh uga soo qayb-galaan, si ay farriin culus ugu diraan madaxda caalamka ee isugu timi Qaramada Midoobay, wadajirna ugu doodaan ictiraafka Somaliland

 

Leave a Reply