Caynaba oo laga Hirgeliyey Madasarad ay wax ku baran Doonaan Carruurta Agoonta ah

0
228

Caynaba (Dawan) Masuuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyey safar ku maraayey gobolka Saraar ayaa soo kormeeray Madarasad loo dhisaayo carruurta agoomaha ah ee ku nool gobolka Saraar, taas oo laga dhisaayo magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Waxa ka warbixiyey dhismaha Madarasada agoomaha loo dhisaayo, oo ay dhisayaan dad muxsiniin ahi guddida gacanta ku haya dhismaha madarasadaas, waxaanay guddidani sheegeen in madarasadan ay dhisayso muxsinad lagu magacaabo Khadra Abokor Cali, iyaga oo cadeeyey in waqtigan dhismaha madarasadani uu maraayo meel gebo gebo ah, isla markaana ay marayso hagaajintii iyo qurxintii oo ah meeshii ugu dambaysay.

Guddida dhismaha Madarasada agoomaha ee magaaladda Caynaba waxa ay sheegeen in waqtigan loo baahan yahay in la ka faalo qaado macalimiinta wax bari doonta carruurta agoomaha ah ee madarasadaas wax ka baran doona iyo sidoo kale in la qalabeeyo madarasaddaas.

Waxa iyaguna goobta ka hadlay maamulka gobolka Saraar iyo ka degmada Caynaba oo ballan qaaday in ay ka qayb qaadan doonaan inta karaankooda ah qalabaynta iyo bixinta kharashka ku baxaaya macalimiinta dhigi doonta Madarasadda agoomaha ee magaaladda Caynaba.

Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Caddaalada Saleebaan Warsame Guuleed iyo wasiirka wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdikariim Aadan Siciid (Cabdikariim Aadan Cadde), agaasimaha wasaaradda isgaadhsiinta Yuusuf Warsame Xasan, waxaanay uga mahadceliyeen muxsinada dhistay Madarasadda agoomaha ee magaaladda Caynaba Khadra Abokor Cali, iyaga oo sidoo kalena ka waramay Agoonta iyo sida ay diintu u ilaalisay.

 

 

 

Leave a Reply