Guddoomiye Ku-xigeenka Cusub ee Baanka Dhexe oo Xilka la Wareegay

0
192

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa khamiistii xilka kala wareegay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Cabdiraxaan Sheekh Xasan Ismaaciil.

Munaasibadda xil-wareejinta labada masuul oo ku qabsoontay xarunta Baanka Dhexe, wsxa ka qayb-galay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, Agaadimaha Komishanka Maamul-wanaagga, masuuliyiin ka socday hay’adaha maaliyadda Madaxa-bannaan ee wada-shaqayntu ka dhaxayso Baanka Dhexe, madax-waaxeedyada Iyo shaqaalaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Guddoomiyaha ururka sarrifleyaasha, guddoomiyaha ururka Bangiyada Gaarka loo leeyahay iyo xubin ku hadlay magaca shaqaalaha Baanka dhexe oo munaasibadda ka hadlay, ayaa shaqo-wanaag iyo xil-kasnimo ku majeertay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baanka Dhexe Cabdiraxnaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo ay sheegeen inuu wax weyn ku soo kordhiyey horumarka Baanka Dhexe. Waxaanay gacmo-furan ku soo dhaweeyeen guddoomiye ku-xigeenka cusub oo u ballan-qaadeen wada-shaqayn hufan iyo daaxadnimo.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Qaasim Xuseen, ayaa shaqsi qiimo leh oo Baanka Dhexe tabi doono ku tilmaamay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo uu sheegay inuu wax badan ku soo kordhiyey, muddo kooban oo uu xilka Agaasimaha Guud hayayna uu uga markhaati-kacayo karti, shaqo-wanaagsan iyo dabeecad wanaagsan. Waxaanu agaasimaha Guud soo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka cusub oo uu dardaaran u jeediyey.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa war-bixiyey hawl-qabadyadii Baanka Dhexe u qabsoomay muddadii uu joogay, waxaanu u mahad-celiyey madaxda iyo hawl-wadeennada Baanka Dhexe oo uu ku ammaanay shaqada ay qaranka u hayaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay muddo dhowr sanno ah soo wada shaqeeyeen tiraba dhowr xil oo uu xukuumaddiisa ka qabtay.

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Baanka Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo gebogabadii munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa soo bandhigay qorsheyaasha waaxqabad ee uu damacsan yahay inuu kaga qayb-qaato hawlaha qaran ee Baanka Dhexe.

Guddoomiye xigeenkii hore ee Baanka Dhexe Cabdiraxaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo xilkan hayay laga soo bilaabo bishii October 2021-kii, waxa uu hore u soo qabtay xilalka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Cadaaladda oo isaga kala dambeeyey, isagoo ka mid noqday masuuliyiintii u horeeyey ee shaqada la bilaaba madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sannadkii 2018-kii kaddib guushii doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga Kuĺmiye November 2017-kii.

 

 

 

Leave a Reply