“Xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka lasoo weeraro in uu jawaab culus bixiyo”Madaxweynaha JSL.

0
154

Hargeysa (Dawan)   Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Laascaanood nabad ugu baaqay, waxa kale oo uu sheegay in aanay ogolaanayn in maamul kale Somaliland laga dhex sameeyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasibada xuska 26 Juun, ayaa ugu horayn nabad ugu baaqay reer Laascaanood, isaga oo sheegay in dadka shacabka ah ee qaxay ay iyagu ugu nabad jecelyihiin imika, waxa uu sheegay in shacabka la galiyay dagaal bilaa u jeedo ah oo dad shisheeye kusoo waarideen.

Waxa uu sheegay in la faafiyo beeno ay kamid tahay in Somaliland ay haldoorka Laascaanood layn jirtay, taasi oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay, waxa kale oo uu xusay in Somaliland anay wax weerar ah qaadin mudadii ay colaadu socotay.

Waxaanu yidhi.”Somaliland horena umaydilin, hadana kumay duulin, waxaa dagaal dhacayay, maalin dhuqa Somaliland weerar may qaadin, xabadna kumay horayn, tu lagu soo rido oo ay iska daafacdo mooyaane”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadka Laascaanood dagaalkeeda hoggaaminaya aanay ahayn dadkii deegaanka ee ay yihiin ciidamadii Puntland iyo xoogaga Al-Shabaab ah, waxaanu sheegay in ay ciidanka 24 bishan kusoo qaadeen weerar madaafiic ah oo ay 2 askari ku dileen, kadibna ciidanku is difaacay.

Waxaanu yidhi.”Shalay weerar madaafiic ah ayay soo qaadeen 2 dii ugu horeeyay ayay dileen.

Xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka lasoo weeraro in uu jawaab culus bixiyo, ma jiro qof qaadanaya aan ku dile hayla hadlin”

Waxa uu sheegay in ay wadahadal ku baaqayaan iyo nabad, lakiin ay ciidanka waajib ku tahay in uu gaadho xuduudihiisii, isla markaana xuduud hab qabiil ku dhisan aan Somaliland laga dhex samayn karayn.

 

 

Leave a Reply