“Xuduuda Somaliland waxba laga Bedeli maayo ee hadla…”Guddoomiye Saleebaan

0
225

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in in aan waxba laga baddeli Karin xuduudihii Somaliland lahayd.

Geesta kale waxa uu wada hadal ugu baaqay Garaadada gobolka Sool, waxaanu ka codsaday in ay nabada qaataan oo qoriga dhigaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan   ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay si mug leh ugu faro adaygaan gobonnimadooda, kana fogaadaan wax kasta oo qarannimada hagardaamo ku keeni kara, isaga oo arrinta Laascaanood si gaar ah uga hadlay, hoostana ka xarriiqay in loo baahan yahay u hoggaansamidda xabbad-joojimihii madaxweynuhu ku baaqay.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply