Gudoomiyaha Ururka Naafadda Somaliland oo Sadex Boqol oo Qoys oo Naafo ah u Qaybiyay Deeq Hilib ah

0
169

Hargeya (Dawan)- Gudoomiyaha Ururka Naafadda Somaliland Daahir Xaaji Jaamac Diiriye ayaa deeq hilib ah u qaybiyay 300 oo qoys oo naafo ah, kaasi oo ay ku soo sadaqaysteen dad muxsiniin ahi.

Gudoomiyaha ururka Naafadda Somaliland ayaa markii uu deeqdaasi hilibka ah u qaybinayay bulshadda naafadda ah waxa uu bulshada kale ee muxsiniinta ah ku booriyay in ay iyaguna ka qayb qaataan soo taakulanyta dadka naafadda ah oo uu sheegay inay yihiin dad jilicsan oo u baahan markasta in la gacan qabto waxana loo taro maadaama ayuu yidhi aanay waxba bulshadda la qaybsan Karin isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

‘’Maanta oo ay tahay maalintii labaad ee Ciidul Adxa haddii aanu ururka Naafadda Jamhuuriyadda Somaliland nahay waxaanu halkan ugu qaybinaynaa 300 oo qoys hilibkii Ciida Adxada, waxaanu leenahay walaalaha soo bixiyay waad aragtaan dadka la siinayo, indhahaaga ayaa kuu macalin ah, qofkasta oo caawiya ururkaasi waxaa noo balan ah in aanu jawaabta u celino in aanu tusno in qofka wixiisii ay gaadheen, sidaasi aad aragtaan ayaanu u caawinaynaa dadkan.
500 oo qof bay ahaayeen way kala dareereen, waxaanu codsanaynaa inta aan nasoo caawin ee walaalahayga ah xoolahaasi aad haysaan wax baanu ku leenahaya haddii ay sakadda tahay iyo haddii sadaqo tahay, haddii ay sama-fal tahay iyo haddii ay Ciida Adxada tahayba, cid nooga nugul in la siiyo waxan aaminsanahay in aanay jirin.

Waxaanu ka codsanaynaa shirkadaha ganacsi ee dalkeen inay na soo caawiyaan oo ay dadkaasi gaadhi curyaano ayay u baahan yihiin, ganacsi bay u baahan yihiin, quudin bay u baahan yihiin intaasi inay na taraan baanu ka codsanaynaa shirkadaha dalka’’

Gabo’gabaddii waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay bulshadda naafadda ah ee loo qaybinaya deeqdasi hilibka ah, waxaanay u mahad celiyeen walaalahooda muxsiniinta ah ee soo xasuustay maalinkan dadku wada faraxsan yahay, garayna inay dadkooda la farxaan oo aanay iyaguna ka hadhin.

 

 

 

 

Leave a Reply