Xoghayaha Fulinta Degmada Faraweyne oo bulshada Degmadaasi uga digay inay ku soo durkaan Waddooyinka

0
131

Hargaysa(Dawan) Xog-hayaha fulinta Degmada Farawayne Axmed Wali Sheekh Maxamed Sheekh Nuux Furre ayaa bulshada degmadaasi uga digay inay ku soo durkaan wadooyinka magaaladda, gaar ahaan jidka muhiimka ah ee dhex mara degmadda.

Xog-hayaha fulinta degmadda Farawayne ayaa sidoo kale ku booriyay bulshadda magaaladda Farawayne inay dhawaan isugu yimaadaan isku tashi bulsho kaasi oo lagaga tashanayo sidii loo dhisi lahaa jidka muhiinka ah ee isku xidhi doona Farawayne iyo Haragysa.

Sidoo kale waxa uu xog-hayuhu dadwaynaha dagmadda Farawayne u soo jeediyay inay wadooyinka ka ilaaliyaan ijaarka iyo moosaska waawayn ee ay ku jarayaan jidadka muhiimka waxaani yidhi

‘’maanta waxaan dad waynaha sharafta badan ee degmada Farawaye halkan fariin uga dirayaa, waxaad og-tihiin in wadooyinka aynu u marno magaalooyinkeena ama magaalooyinka waawayn, waxaa jira in moosas waawayn lagu gooyay oo meel kasta oo ay wadadu ka xumaatay ay tahay meel ijaar lagu soo durkiyay wadada ama meel moos lagu jaray.

Shacabka Farawayne waxaan halkanuga sheegayaa inay ka waan toobaan moosaska waawayn ee lagu ee la dhigaayo wadooyinka iyo ijaarka lagu soo durkinayo wadada, wadadu waa muhiim oo inagaa u baahan, waxa aynu soo marsanaa gaadiidka markaa wado aynu ka maarmaynaa ma jirto, markaa wadooyinka in aydaan gaynin baan aad idinkula talinayaa.

Waxa kale oo aan halkan dadwaynaha degmada Farawayne cod dheer ugu dirayaa, madaama oo aynu nahay degmo aad balaadhan una baahan in aynu samaysano wado isku xidha degmada Farawayne iyo magaaladda Hargaysa, dhawaan waxaanu rajaynaynaa in aynu talo wayn isugu nimaadno kana wada hadalno sidii aynu u dhisan lahayn jidkaasi inaga oo aan dawladda iyo dad kale aan waxba ka sugayn.’’

 

 

 

 

Leave a Reply