Aqoonyahanno Daahfuray Barnaamij Aqooneed Noociisu ku cusub Yahay Dalka

0
140

Hargeysa (Dawan) Maxamed Barre Cumar iyo Cabdikariim Cali Cabdillaahi, oo ka mida aqoonyahannada dalka ayaa soo kordhiyay adeegbixin waxbarasho oo nooceedu ku cusub yahay dalka, taas oo ah abqaalida Jiilka mustaqbalka ee kor u qaadista aqoonta koonbiyuutarada iyo tiknoolojiyada dalka.

Daahfurkii barnaamij aqooneedka jiilka mustaqbalka ee kor u qaadista aqoonta koonbiyuutarada iyo tiknoolojiyada ee dalka, ayaa lagu qabtay hoolka hay’adda Shaqaalaha, waxa ka soo qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda Tiknoolojiyada iyo isgaadhsiinta Somaliland, masuul ka socday jaamacada, aqoonyahan, ardayda isu diwaangelisay barashada culuunta koonbiyuutarka iyo waalidiinta ardaydan dhashay.

Taabagelinta barnaamijkan waxa ka qayb qaatay, guddoomiyaha xafiiska waxbarashada degmada Hargeysa Marwo Aamina Casayr Magan, Shirkada Sompower, Jaamacada Golis.

Aqoonyahan Maxamed Barre Cumar faahfaahiyay mihiimada uu barnaamijkani leeyahay, waxaanu sheegay in ardaykasta xaq u leeyahay helona aqoonta barashada culuumta Koombiyuuterka iyo Tiknoolojiga, si looga horqaado caqabadaha hortaagan, haddaba si ujeedada loo gaadho barnaamijkan waxa ay ka dhigeen lacag la’aan.

Waxaanu yidhi “Barnaamijkan waxa aanu ugu talo galnay xilliga ardaydu fasaxa ku jiraan inay ka faa’idaysataan, waxa aanu ku baahinay baraha bulshada oo aanu ku wargelinay in ardaydu kooraskan ka faa’idaystaan waxa ka soo jawaabay 138 arday oo dhammaan degmada waxbarashada gobolka ka tirsan, 44 ka mid ahi waxa ay yihiin hablo, halka 56% ay ahaayeen wiilal.

Agaasimaha guud ee wasaaradda tiknoolojiyada iyo isgaadhsiinta Mudane Yuusuf Warsame Xasan, ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii barnaamijkani cagihiisa ugu istaagilahaa.

“Ka wasaarad ahaan inta badan waxa aanu qabana tababaro, oo aanu siino shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkaddaha gaarka loo leeyahayba, waxa aanu ka dhisna qaabkii ay ula macaamili lahaayeen Tiknoolojiyada casriga ah.

Wasaaraddaha tabbabaro ayaanu u sameynaa, ardayda jecel inay tiknoolojiyada ku soo biiraan barbilow wanaagsan ayaanu siinaa, ardayda jaamacadaha fikradihii ay ku shaqaysanlahaayeen ayaanu u soo bandhignaa.

Waxaanu idiinku bushaaraynaa in xarunta Intigrationka oo wasaaraddu maamusho waxa aad ka helaysaan agabkii aad wax ku baran lahaydeen,”

Cawil Axmed Maxamed ku xigeenka hormoodka ICT ee Jamacada Hargeysa, ayaa soo dhaweeyay barnaamijka ardaydani la yimaadeen.

Waxaanu yidhi. “Waxa aanu jecelahay in barnaamijyada danbe ee aad qaban doontaan aanu qayb ka noqono, mudnaantana aanu siino”

Ku xigeenka hormoodka kuuliyadda isgaadhsiinta Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, ayaa sheegay inay hormood ka noqonayaan sidii barnaamijkani u taabo qaadilahaa.

Waxaanu yidhi “Ardaygu waxa uu ogaanaya marka waxbarashadii u dhammaato halkay suuqa kaga jirta, aqoontan aynu dhammeysanay, ka jaamacad ahaan aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay, in aanu door mihiim ah ka qaado barnaamijkan haddii ILLAAHEY yidhaahdo”

Aasaasaha Shirkada Som Digital Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa ka soo qaybgalaayaashi barnaamijkan u balanqaaday carbis oo hal sano, ah waxaanu sheegay in wixii inta kadanbeeya ay noqon doonaan shaqaale rasmiya.

Waxaanu yidhi. “Sannadkii waxa aanu bixina fursad shaqo carbin oo 20 qofa, nuxurka maaha qofka waala keenaya oo shaqo carbin ayuu meesha ugu calaamadsan yahay, balse anagu qofka aanu shaqo carbinta u sameynayna waxa aanu tusna awooda uu leeyahay iyo in uu waxqaban karro.

Waxaan idiin balanqaadaya intiina ka soo qayb gashay in 4 meelood aad u soo tartami doontaan, cidkalena maahe waa ciddii maanta ka soo qayb gashay madashan, waxaan u damaanad qaadayaa in sannad gudihii shaqo ku helaan”

Xamse Maxamuud Colaad (Seerar), oo ku hadlayay afka ardayda ayaa soo dhaweeyay adeeg bixintan waxbarasho ee lacag la’aanta ah, waxaanu ardayda ka codsdaday inay ku dadaalaan waxbarashada si ay uga midha dhaliyaan hamigooda.

Waxaanu yidhi. “Waxaan ardayda ku boorinaya in aynu ku dadaalno oo ku dadaalno sidii macalimiinteenu aqoonta ay ina barayaan uga faa’idaysanlahayn,

Gaba’gabadii waxa barnaamijka soo xidhay Cabdikariim Cali Cabdillaahi oo ka mida curiyayaasha barnaamijkan, waxaanu sheegay in barnaamijkani yahay mid ay ugu talo galeen inay ardayda ku baraan culuunta Koombiyuutarka iyo Tiknoolojiyada.

“Ururkan waxa magaciisa la yidhaahda UUNTE, Uun waa kalmad Soomaali ah, Techna waxa loo soo gaabiyay Tiknooloji, ujeedada aanu u aasaasnayna waxa ay tahay in uu wacyigelin ka sameeyo Tiknoolojiyada, una dhaqdhaqaaqo”

 

 

 

Leave a Reply