Xukuumadda JSL oo ku hawlan hirgelinta Siyaasada Gaadiidka Dalka loo soo-dhoofiyo

0
203

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa furay kulan u dhexeeyey Shirkadaha dalka keena gaadiidka kala duwan ee dibada laga soo dhoofiyo, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed, wasiirku xigeenka wasaaradda gaadiidka Cabdinaasir Caydiid Maxamed iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, kaas oo ka qayb soomay xarunta wasaaradda ganacsiga.

Kulan saddex geesoodka ahaa waxa lagaga wada hadlay hirgelinta siyaasadda ganacsiga ee ku saabsan gaadiidka dalka loo soo hoofiyo iyadoo laga duulayo bad-qabka bulshada.

Khuburada xagga gaadiidka iyo wadamarista aqoonta u leh ayaa sheega in waxa shilalka ugu badan sababa ay yihiin badqabka gaadiidka dalka la keeno oo hooseysa.

 

 

Leave a Reply