Mashaariico Laga Hirgaliyay Madaarka Hargeysa oo Xadhigga Laga Jaray

0
152

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Mareeyaha hay,adda duulista iyo Madaarada Cumar Sayid Cabdilaahi ayaa shalay xadhiga ka jaray Mashaariico iyo adeegyo laga hirgaliyay Madaarka Cigaal International Air port ee Magaalada Hargeysa.

Mareeyaha hay,adda duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in Mashaariicahan xadhiga laga jaray ay ku baxday lacag dhan 600 kun oo doolar.Waxaana uu yidhi”Waxaanu rabnaa in Madaarka Hargeysa uu la jaanqaadno kuwa Caalamka,Mashaariicahaa aynu xadhiga ka jarnay qiimahoodu waxa uu taaganyahay 600 oo kun oo doolar wax hawl yar maaha.marka edeega Madaarka laga hadlayo marka aynu ka soo bilowno xafiisyada dibada ka samaynay oo ay dagi doonaan baananka Somalland iyo Shirkadaha Diyaaradaha culays badan ayaa Madaarka ka qaadayaan.madaama Madaarka balaadhay rakaabkiina waa kordhay, waxaana aanu balaadhinay hoolka dadku shandadaha ka qaataan iyo Mishiinka dadka lagu baadhayo”.

Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in wax la taaban karo laga hirgaliyay Madaarka Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxa inoo farxada in aynu ka soo qaybgalno Mashaariicahan iyo adeegyadan xadhiga laga jarayo ee lagu soo kordhiyay Madaarka Hargeysa,waxaana aan ku hambalyaynayaa madaxda hay,ada duulista ee isbadalka la taaban karo ku sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha baanka dhexe Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arimaha dibada oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa ay tilmaameen Mashaariicahan laga hirgaliyay madaarka Hargeysa ay ka mid tahay horumarka qaranka ku talaabsaday.

Leave a Reply