Golaha Wakiillada JSL iyo Ciidanka Dabdamiska oo kawada hadlay Qabyo Qoraalka Xeerka Ciidanka Dab-damiska

0
99

Hargaysa (Dawan) Guddida Hawlaha Guud, Dhulka, Guryaynta & Tiknoolajiyadda Ee Golaha Wakiilada JSL ayaa kulanka la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dab-damiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Sawaaxili.

Ujeeddada Kulanka ayaa ahaa ,Qabyo-qoraalka Xeerka Ciidanka Dab-damiska Qaranka oo ay Guddida Hawlaha, Tiknoolajiyadda, Guryeynta & Gaadiidka ee Golaha Wakiiladu gacanta ay ku hayaan.

Guddida iyo Taliyaha ayaa isla eegay xeerkan guddidu gacanta ku hayso ,iyaga oo dul istaagay qodobada ugu Muhiimsan ee xeerka.

Kulankan waxaa Taliyaha ku wehelinayay Hogaanka Maamulka iyo Maaliyada Ciidanka Dabdemiska Amran Axmed Baashe iyo Hogaanka Hawlaha Ciidanka Dabdemiska JSL Cabdicasiis Axmed Cilmi.

Ugu horayn kulanka ayaa waxa a hadlay gudoomiyaha guddida Hawlaha guud ee Wakiillada oo Xildhibaan Xirsi Cabdilahi Xirsi waxaanu sheegay in Xeerkani uu mhiimad gaar ah u leeyahay ciidanka Dab-damiska Qaranka, islamarkaasi talilayaha iyo saraakiisha ay ugu yeedheen sidii ay wax uga waydiin lahaayeen meelaha looga baahan yahay in ciidanka wax laga waydiiyo.

Sidoo kale intii kulanku socday gudoomiyaha guddida Hawlaha guud,Dhulka,Guryaynta iyo Tiknoolajiyadda Golaha wakiillad Xildhaibaan Xirsi ayaa Ciidanka Dab-damiska Somaliland ugu mahad celiyay sida ay mar walba naftooda ugu huraan badbaada shacabka Somaliland iyo hantidoodaba, sidoo kale waxa uu ku hambalyeeyay sidii wanaagsanayd ee ay ugu gurmadeen shacabka magaaladda Jigjiga badkii ka kacay suuqa magaaladda iyo doorkii ay ka qaateen

Dhankiisa Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Somailand Sareeye Guuto Axmed Maxamed Sawaaxili oo kulanka gorfaynta qabyo qoraalka xeerka Ciidanka Dab-damiska ka hadlay ayaa ku dheeraaday in ay baahi wayn u qabaan xeerka, taasi oo uu sheegay in waxyaabo badan ay uga xidhan yihiin xeer la,aan darted, waxaanu guddida ka codsaday inay dhamaystirka xeerka ay dedajiyaan.

Gabo’gabaddii Guddida iyo Taliyaha ayaa isla qaatay in aanay kulamadu intaa ku ekaan , ee kulamo kale laysu yimaado haddii Alle Idmo.

 

 

 

 

Leave a Reply