Wasaaradda Beeraha oo Gobolka Sanaag ka bilawday Buufinta Cayayaanka Beeraha ku Dhasha

0
110

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ayaa Magaaladda Ceerigaabo ka bilawday hawl-gal lagu buufinayo cayayaanka ku dhasha beeraha, kaasi oo wax-yeeleeya dalagyada ka baxa beeraha.

Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Sheekh Bilaal oo ka hadlay kulan loo qaybtay iba-furka barnaamjika la dagaalanka cayayaanka Beeraha ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in shaqaalaha la dagaalanka cayayaanka ee wasaaraddu ay ka hawl-gali doonaa dhamman Deegaanada gobolka sanaag, waxaanu u soo jeediyay bulshada gobolka inay ka faa,iidaystaan hawl-galkan lagula dagaalamayo cayayaanka beeraha.

Sidoo kale isu-duwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sanaag Axmed Sheekh Bilaal ayaa dadwaynaha ku nool gobolka ugu baaqay inay la shaqeeyaan kooxda la dagaalanka cayayaanka ee wasaaradda una fududeeyaan jidadka iyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadlay masuul ka socday wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, kaasi oo ka mid ah masuuliyiinta fulinaya hawl-galka la dagaalanka cayayaanka ee Sanaag, waxaanu sheegay in wasaarddu ay ka soo jawaabtay codsi uga yimi dadwaynaha ku nool Ceerigaabo kaasi oo ahaa in wax laga qabto cayayaan ku dhashay beeraha deegaanka.

Masuulkan ayaa sheegay in ka wasaaradda ahaan ay ka go,an tahay inay la dagaalamaan cayayaanka meel kasta oo ay noqotaba, waxaanu intaasi ku daray inay dhammaan deegaanada gobolka Sanaag ay ka buufinayaan cayayaanka ku dhasha beeraha, si loo badbaadiyo tacabka bulshada ayuu yidhi, waxaanu xusay in ay diyaar u yihiin buufinta cayayaanka ku dhasha beeraha guud ahaan goboladda iyo dagmooyinka Somaliland.

 

 

 

 

 

Leave a Reply