Kulan lagaga arrinsanayo Barnaamijka Talaalka Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay

0
146

Xubinta koobaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona kulan lagaga arrinsanayay barnaamijka talaalka Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa   Magaalada Hargeysa ka Daah-furay kulan hawleedka Wadatashiga ee Barnaamijka Talaalka Somaliland.

Kulan hawleedkan oo socon doona muddo Saddex Maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb-gelay agaasime waaxdeedyada kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda, Isu-duwayaasha gobollada, qaar ka mid ah hay’addaha Wasaaradda kala shaqeeya dhanka talaalka ee UNICEF, WHO, Gavi iyo Save the Children.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mahdi daahir bahdoon oo ka warbixiyay ujeedada kulan hawleedkan iyo Sida uu qayb uga qaadan doono Habsami u socodka Hawlaha Talaalka.

Sidoo kale waxaa hadalka iska daba qaatay Masuuliin ka socotay Haayaddaha Gavi, WHO, UNICEF, Save the Children iyagoo dhamantood hoosta ka xariiqay Sida ay muhiimka u tahay in laga wada tashado meelna laysla dhigo Barnaamijka Horumarinta Talaalka Somaliland, ka haayado ahaana ay diyaar u yihiin inay kor usii qaadan Wasaaraddana kala shaqeeyaan arimaha Talaalka.

Gaba-gabadii agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo madasha lagu daah-furayay Barnaamijkan Hadalo ka jeediyay ayaa dhankiisa ka waramay kulan hawleedkan iyo Waxyaabaha lagu gorfaynayo, isagoo Masuuliinta Wasaaradda kula Dardaarmay inay mudadaa uu kulankani socdo xooga saraan sidii kulankan ay uga soo bixi lahaayeen Talooyin dhaxal ga

Leave a Reply