Saaxiibbada Caalamka ee Somaliland oo soo Dhaweeyey Go’aankii Guddida Doorashada JSL

0
205

Nairobi (Dawan)- Waddamada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha Dimuqraadiya iyo doorashooyinka ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku cayimeen jadwalka Doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in aan wakhti dambe layska lumin, islamarkaana daneeyayaasha doorashooyinku fudaydiyaan qabyooyinka farsamo ee jira sida dhammaystirka sharciyada.

“Waxa aannu niyadda ku haynaa dareenka dadka Somaliland ee wakhtiga dheer ay ku qaadatay in la soo gaadho halkani. Waxa aan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyadu in ay ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa jadwalkani loona raaci lahaa, si loo sugo guulaha dimuqraadiyadda ee ay Somaliland leedahay.

Sidoo kale, waxa aanu ugu baaqaynaa Baarlamaanka iyo dhamaan danneeyayaashu in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa dhamaan caqabadaha farsamo, dhaqaale iyo sharci ee jira sida ay xuseen Komishanku.”

Waddamada Beesha caalamka ee taageeray go’aanka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee taageeray go’aanka waxaa ka mid ah Austria, Belgium, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Germany, Netherlands, Norway, Sweden, Iyo Ingiriiska.

 

Leave a Reply