Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada JSL oo shaqaale Xuquuqdooda siisay

0
160

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay dacwad u dhaxaysay loo shaqeeyaha iyo shaqeeyaha mid ka mida shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala gudaha Somaliland.

In ka badan 74 shaqaale ah ayaa lagu siiyay xuquuqdii ay ku shaqaynayeen gudaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland.

Guddoomiyaha guddida dacwada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Cabdiqani Dacwi ayaa ka hadlay shaqaalaha xaqooda u dhiciyeen.

Waxaanu yidhi. “Waxa aanu halkan xuquuqaadkoodii ku siinayna shaqaale u shaqayn jiray, kuwana wali u shaqeeyaan mid ka mida shirkaddaha dalka, shaqaalahaasi oo tiradoodu dhan tahay 74, ILLAAHEY mahadii kiiskaasi wuu soo dhammaaday, maanta ayaanay xuquuqdoodii qaadanayaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, iyada oo dhex-dhexaadin iyo sulux lagu dhammeeyay.

Waxa ay noqonaysa kiisaskii ugu badnaa ee wasaaradda soo mara ee Kodlada ee isku xidhan ayay diwaankooda gali doonaan, sidaasi ayaa inta shaqaysa shirkadoodii ugu sii shaqaynaysa inta kalena xuquuqaadkoodii loo siindoona.

Waxaanu halkan ku afmeernay qoraalka iyo heshiiska dacwadoodii, si hufan oo qurux badana xaggayaga uga dhammaatay.

Xafiiskayagani nuxurka uu utaagan yahay waa xalinta khilaafka shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha, khilaafka 74-ta qof iyo shirkada u dhaxeeyay maanta sidaasi ayuu ku dhammaaday,”

Aaabo Aadan Cabdillaahi Cilmi, oo ka mida shaqaalihii xaqooda ka waayay shirkadii ay u shaqaynayeen ayaa si dareen tabasho leh uga hadlay helitaanka xaqiisa iyo xuquuqdiisa.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu dhammaantayo dadka halkan jooga uga mahadcelinaynaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada sida hagar la’aanta ah ee ay mudada dheer noogala shaqaynayeen sidii aanu xaqayaga u helilahayn.

Xuquuqdaydii oo afar sano iga maqnayd ayaan maanta qaadanaya ILLAAHEY ayaa mahad oo dhan iska leh, aad iyo aad ayaan u faraxsanahay.”

“Waxaan ka hawlgalayay mid ka mida shaqaalaha Ajaanibta ah ee dalka jooga, waxa aanu maanta xuquuqdayadii ka helayna wasaaradda oo noo dhammaysay, aad iyo aad ayaanu wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ugu mahadnaynaa, si hufan oo hawlkarnimo leh ayay noogu dhammeysay arrinkaas,”Ayuu yidhi mid ka mida shaqaalihii la siiyay xuquuqdiisi ka maqnayd.

Midka mida shaqaalihii xaqiisa iyo xuquuqdiisa wasaaradda shaqadu uga dhicisay shirkadii uu mudada badan u shaqanayay ayaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ku boggaadiyay dadaalka dheer ay ka gashay sidii ay xaqoodii u heli lahaayeen.

Waxaanu yidhi.“Dadkan qaar waa xoogsato, kuwa waa dirawaliin, kuwa waa farsamayaqaano, ILLAAHEY ayaa mahad iska leh, mudada intaas le’eg anigu waan shaqaynayay mar kaliyana shaqadayda kamaan bixin, waajibaadkaygii shaqana waan gudanayay, mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan u mahadcelinaya wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, oo si sharafleh, qadarinleh, muwaadinimo ku jirto noogu qabatay wixii aanu xaqa u lahayn, kuwa horena u qaaday imikana anaga noo qaaday, waxaanan u mahadcelinaya shirkadii aanu u shaqaynay oo sihufan xaqayagii noo siisay”

 

 

Leave a Reply