Xarun loogu tala galay Hooyada iyo dhallaanka oo laga hergeliyay gobolka Togdheer

0
97

Qore: Khadar M.Xaashi

Burco (Dawan) Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland oo kaashaneysa hay’adda Save the Children ayaa xadhiga ka jartay dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta Hooyada iyo dhallaanka deegaanka Guryo samo ee gobolka Togdheer

Madasha xadhig jarka waxa kasoo qayb galay Isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Maxamed Cabdi Axmed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahim madaxa Hay’adda save the Children ee gobollada bari Somaliland iyo marti Sharaf kale.

Isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Maxamed Cabdi Axmed waxaanu yidhi.“Maanta waxa aanu ujoognaa xadhig ka jarka qayb ka mida xannaanada Gurya-samo, waxa xarunta loogu tallo galay inay u adeegto bulshada xaafada Gurya-samo.

Waxa lagu kordhiyay qaybta hooyadu ku umulayso iyo qaybta la dhigayo kadib markii ay umusho, sidoo kale balaadhin iyo casriyayn ayaa lagu sameeyay waaxda nafaqaynta iyo naasnuujinta,”

Dhismahan cusub ee lagu soo kordhiyay xarunta hooyada iyo dhallaanka degaanka Gurya-samo ee gobolka Togdheer ayaa wax badan ka tari doona baahiyaha caafimaad ee ka jira degaanka.

 

 

 

 

Leave a Reply