Askari u dhashay Kongo oo dilay 13 qof oo ay ku jiraan carruurtiisii

0
152

Askari u dhashay dalka Congo oo lagu eedeeyay in uu 13 qof oo u badan caruur ku dilay waqooyi bari ee dalka ay colaaduhu aafeeyeen ayaa la xidhay waxaana la soo taagi doonaa maxkamad, sida ay sheegeen ilo-wareed ka tirsan militariga.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugnaa tuulada Nyakova Sabtidii, tuhmanaha ayaa la sheegay in ka cadhooday ilmo uu dhalay oo la aasay isaga oo maqan, ka dibna markii uu gurigiisa ku laabtay ayuu rasaas ku furay dad raiyd ah oo isugu soo baxay baroor-diiqdii ilmihiisa, sababtuna waxay tahay isaga oo ka cadhooday ilmihiisa oo dhintay lana aasay iyada oo aan loo sheegin, waxaana ku dhintay 13 qof. Afhayeenka ciidamada Lieutenant Jules Ngongo ayaa u sheegay AFP.

Dadka dhintay waxa ku jira 9 carruur ah oo ay ku jiraan laba ka mid ah caruur uu dhalay askariga, sida uu sheegay afhayeenku.

Nyakova waa tuulo kalluumeysi oo ku taal dhulka Djugu, oo qiyaastii 65 kiiloomitir (40 mayl) dhanka bari ka xigta Bunia, caasimadda gobolka Ituri, oo ka mid ah meelaha ay rabshaduhu ka dhacaan bariga DR Congo oo ay ku badan yihiin weerarada dhimashada.

Qaadiga maxkamada sare Joseph Makelele, oo ah dacwad oogaha sare ee maxkamada militariga ee gobolka Ituri, ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in tuhmanaha oo 32 sano jir ah oo lagu magacaabo Babby Ndombe Opetu lagu soo oogi doono “dilka iyo ku xadgudubka amarada”.

Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in tuhmanaha uu ka baxsaday goobta uu weerarku ka dhacay oo uu ku dhuuntay Tchomia, halkaas oo laga helay gelinkii dambe ee Axaddii “waxaana loo gudbiyay maxkamadaha si loo maxkamadeeyo.”

Ilo wareedyo ka tirsan bulshada rayidka ayaa sheegay Axaddii in dhibbanaha 14-aad uu u dhintay dhaawacii soo gaaay, balse taasi lama xaqiijin. Sida laga soo xigtay ilo kale, qof deris ah oo ka argagaxay rasaasta, ayaa wadnaha istaagay oo u dhintay.

 

Leave a Reply