Xabsiga Guantanamo oo kharashkii Maraykanku ka doodayo

0
115

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan bilaabo dood ku saabsan hindise sharciyeedka qarashka badan ee militariga Maraykanka ee sanadlaha ah. Sidii sannadihii la soo dhaafay, Sharciga Ogolaanshaha miisaanauyada Difaaca Qaranka (NDAA), waxaa ku jiri doona luqadda mamnuucaysa isticmaalka lacagaha lagu xidhayo Guantanamo Bay, xabsiga ciidamada Maraykanka ee la aasaasay 2002-dii intii lagu jiray Dagaalkii ka dhanka ahaa Argagixisada.

Qorshaha Senate-ka ee ku saabsan miisaaniyada NDAA ee hadda kama hadlayso sida loo xidhayo ama wax ka beddelka xarunta ee waxay mamnuucaysaa in maxaabiista loo wareejiyo Afgaanistaan, Liibiya, Maraykanka, Soomaaliya, Suuriya, ama Yemen. Waxa kale oo ay amar ku siinaysaa Waaxda Difaaca inay bilowdo qorshaynta baahiyaha caafimaad ee dadka da’da ah ee Guantanamo.

Aqalka Cad ayaa VOA u sheegay Salaasadii inay si adag uga soo horjeedaan arrinta dhiibista.

“Qodobbadani waxay faragelinayaan awoodda Madaxweynaha si uu u go’aamiyo habka ku habboon ee maxaabiista GTMO iyo in uu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee muhiimka ah iyo go’aannada amniga qaranka ee ku saabsan haddii iyo xaalad kasta oo maxaabiista lagu wareejinayo xabsiga ama si wax ku ool ah u maamulo dalal shisheeye,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay.

Bishii Febraayo 2021, xoghayihii saxaafadda ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay inay “runtii ahayd yoolkeenna iyo ujeeddadayada” inaan xidhno xarunta dhammaadka muddada xilka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden. Ilaa hadda, maamulka Biden ayaa siidaayay 10 maxbuus.

Marka loo eego qiyaasta New York Times bishii Maarso 2022, 30 qof ayaa hadda lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay. 20-kii sano ee la soo dhaafay, sagaal qof ayaa ku dhintay xabsiga iyada oo 741 qof laga soo wareejiyay xarunta.

Sannadkii hore, 69 xubnood oo ka kala tirsan Guurtida iyo Wakiilada ayaa ku booriyay guddiyada Adeegga Ciidanka inay ku daraan xidhitaanka Guantanamo Bay sanadkaas miisaaniyada NDAA.

Xabsigan aan dhammaadka lahayn ayaa kharashkii lagu qiyaasay $ 500 milyan sannadkii, iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin iyo maxkamadeyn toona, taasina waxay jabinaysaa dastuurkeena, waxay khiyaanaysaa qiyamkayaga, waxayna wiiqaysaa kalsoonida Maraykanka ee u doodaha qiyamka dimuqraadiga ah iyo ku dhaqanka sharciga dibadda,” ayey yidhaahdeensharci-dajiyayaashu.

Balse xildhibaano badan oo ka tirsan labada dhinac ayaa qaba in xaruntan ay lagama maarmaan tahay in ay sii jirto. Sannadkii 2009-kii, markii madaxweynihii xilligaas ee Barack Obama uu isku dayay in uu xidho xabsiga Guantanamo Bay, maxaabiistana u wareejiyo xarumaha Maraykanka, Senatku waxa uu 90-6 ugu codeeyeen inuu furaado.

“Dadka Maraykanka ma jecla in la siidaayo maxaabiista, mana la dhacsana in lagu hayo ma rabaan in lagu hao saldhig milatari ayuu ku dooday Senator John Thune oo Jamhuuriga ahi.

Qaramada Midoobay iyo Amnesty International, ayaa nhore u dalbaday in la xidho Guantanamo Bay. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa tusaale u soo qaatay Guantanamo Bay markii la weydiistay inuu difaaco xaaladdiisa xuquuqul insaanka. Shir jaraa’id oo uu qabtay bishii June 2021, waxa uu yidhi, “Weli wuu shaqaynayaa xabsiga Guantanamo isaga oo sharci Caalami ah iyo mid Maraykan midna hays.

Hogaamiyihii hore ee Donald Trump iyo Biden waxay saxeexeen amar fulineed oo ka dhigaya xarunta mid furan oo aan xad lahayn.

 

 

 

Leave a Reply