Boorama: Daah-furka Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada

0
206

Borama (Dawan) Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, ayaa magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka daah-furtay Barnaamijka Sanduuqa horumarinta Waxbarashada Qaranka.

Kulan ayaa socon doona muddo muddo afar-maalmood ah waxaa lagaga doodi doonaa shuruucda iyo nidaamka uu yeelan doono sanduuqaasi amma lagu maamulidoono.

Shirkan waxaa si rasmi ah u furay agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdiqaadir Cabdillaahi Jaamac, waxaanu ka waramay ahmiyadda uu waxbarashada u leeyahay Sanduuqa horumarinta Qaranka iyo in uu wax weyn ka tari doono adeeg bixinta waxbarasho ee dalka.

Geesta kale Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa wada qorshe lagu horumarinayo adeegyada waxbarasho ee dalka.

Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa soo agaasimay kulan lagaga arrinsanayo taabagelinta horumarinta waxbarashada deg dega ah, kaas oo lagu lafa-gurayay sidii dadka ka weynaaday da’dii waxbarashada ee ku nool degaanada ka fog magaalada ee Miyiga iyo ardayda magaalooyinka ee maalintii u shaqeeya qoysaskooda loo siinlahaa fursad waxbarasho.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay gudoomiyeyaasha waxbarashadda gobollada dalka, hay’addaha ka shaqeeya horumarinta waxbarashada iyo daneeyayaashe kale waxaana intii uu socday wax la iska weydiiyay qaabka ugu habboon ee waxbarashada dadkaasi loo hirgelinlahaa.

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana mudada uu socdo lagu lafa-guri doona adeegbixinta waxbarasho ee loo sameynayo dadka aan fursad u helin inay waxbartaan ee degaankoodu yahay miyi iyo magaalaba.

 

 

Leave a Reply