“Guddoomiye Faratoon waxa uu Noqon Doona Furaha Nabada ee gobolka Sool”Guddoomiyaha Sool

0
263

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdikariim Siciid Aw Cabdi, ayaa sheegay in guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) in uu fure u noqon doono nabadgelyada gobolka Sool.

Geesta kale waxa uu Mudaneyaasha golaha wakiillada ku matela gobolka Sool ka codsaday inay ka shaqeeyaan xal u helista xaalada magaalada Laascaanood.

Sidoo kale mar uu ka hadlay xildhibaanada u coddeeyay murashixii ay wateen mucaaridku Somaliland, kuwaasi oo sheegay in ay nabad iyo colaad kala doorteen’, waxaanu sheegay inay iyagu colaada doorteen.

Waxaanu yidhi. “Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladu Somaliland Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, wuxuu furre u noqon doona nabadda Gobolka Sool.

Waxaanu rajjeynayna in uu noo noqon doono garab, xaalada magaalada Laascaanoodna haddii ILLAAHEY yidhaahdo nabadgelyo ayay ku dhammaan doonta, waxkasta oo dhacaana nabadgelyo uunbay ku danbeeyaan,”

Sidoo kale mar uu ka hadlay xildhibaanada u coddeeyay murashixii ay wateen mucaaridku ee yidhi ‘nabad iyo colaad ayaanu kala dooranay’, inay iyagu colaada doorteen.

Waxaanu yidhi.“Xildhibaanadu ciddii ay u codeynayaan iyaga ayaa xor u ahaa, Dimuquraadiyad ayaynu nahay, erayga ay ka dhawaajiyeen ee ay yidhaahdeen nabad iyo colaad ayaanu kala dooranay, anigu waxaan odhan karaa iyaga ayaa colaada doortay, taasi ayaan boqolkiiba boqol aaminsanahay.

Xildhibaanada aanu isku degaanka nahay waxa aan leeyahay gobolka Maroodi-jeex ma matashaan ee waxaad mateshaan gobolka Sool, gobolkiinana waa uu qasan yahay, mudane kasta oo ka tirsan golaha wakiillada macaa guddoomiyahooda xafiiskiisi degaankaasi ayaa laga furaya,”

“Mar koobaad iyo mar labaad iyo mar saddexaadba nabadgelyo ayaanu ku baaqaynaa, madaxweynuhuna in badan ayuu nabad ku baaqay idamkii ILLAAHEY waa ay hirgaleysaa waa dad oodwadaag ah, waa dad ILLAAHEY meel kuwada beeray,”Ayuu yidhi guddoomiye Cabdikariim.

 

Leave a Reply