Cameroon: 12 ayaa ku dhintay dhisme 4 dabaq ah oo dumay

0
127

Dhisme weyn oo 4 dabaq ah dumay ayaa 12 qof ku dilay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Cameroon ee Douala, waxaana ku dhaawacmay shan kale.

Lama oga inta qof ee ku jirtay dhismahan, markii uu ku soo dumay xaafad kale oo la deggan yahay subaxnimadii Axaddii.Burburka ayaa la baadigoobayaa dad nool.

Deriska oo argagaxsan ayaa tilmaamay qaylada dadka waxaanay isku dayaan inay dadka ka qodaan.

Kooxaha dab-damiska ee Cameroon, Laanqayrta Cas iyo kuwa kale ee gurmadka ayaa weli ka shaqaynaya goobta.

Badhasaabka gobolka Samuel Dieudonné Ivaha Diboua, ayaa isku dayay inuu dadka u qanciyo – isaga oo sheegay in xaaladdu ay gacanta ku hayaan kooxaha samatabbixinta oo ay hubin doonaan in dad ku hoos hadheen burburka.

Saddex carruur ah iyo toban qof oo waaweyn ayaa daryeel degdeg ah loogu wadaa cisbitaalka Laquintinie ee u dhow goobta, sida ay sheegtay AFP.

Shaqaalaha halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in gabadh saddex jir ah oo la keenay ay geeriyootay.

Lama oga waxa sababay in uu soo dumo dhismahan oo ku yaala xaafada Douala ee Ange Raphael, balse dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in uu u muuqdo mid burbursan.

Maamulka magaalada ayaa burburinaya guryaha loo arko in ay halis ugu jiraan fatahaada ama dhul go’a, laakiin qaybta dhismahani ku yiil looma qorshayn in la dumiyo.

Burburka dhismuhu ma aha wax ku cusub Cameroon.

sanadkii 2016 dhismo burbursan oo Douala ku yaal oo loo burburiyey shuruucda dhismaha ayaa dumay, waxaana ku dhintay shan qof.

 

Leave a Reply