Shirka Qorshaha Shanta Sano ee Soo Socda ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo Borama ka furmay

0
197

Boorama (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal uu uga furmay Shirkeeda sannadlaha ah, ee ku saabsanaa dejinta qorshaha shanta sano ee soo socota.

 

Shirkan oo ay Wasaaradda Horumarinta Beeraha ku wehelinayaan Madaxda Hay’adda FAO oo ay wada-shaqayn leeyihiin, ayaa waxa lagu dersayaa, laguna diyaarinayaa Qorshe hawleedka 5 sano ee soo socda.

 

Qorshahan istaraatijiyadeed ee Wasaaraddu diyaarinayso, ayaa la jaan-qaadaya Qorshaha guud ee horumarinta Qaranka Somaliland (NDPIII).

 

Shirkan oo muhiim u ah Wasaaradda Beeraha iyo guud ahaan Qaranka isla-markaana soconaya 27 – 28-ka July 2023, ayaa waxa Hoteelka Saw ee Boorama ka furay isla-markaana guddoominaya Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iman Warsame.

 

Waxa xusid mudan, inay shirka joogaan Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Beeraha, sida Agaasimaha guud iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.

 

Madashan ayaa waxa lagu diyaarinyay laguna gorfaynayay qorshaha shanta sano ee soo socda kaasi oo la rabo inuu wax wayn ka bedelo dedaalka ay wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ugu jirto wax-soo-saarka dalka iyo tayaynta dalagyadda beeraha.

 

Inta uu kulankani socdo waxa lagu naaqishi doonaa waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda iyo halka la rabo in la gaadho, waxa qorshahan jid cad loogu jeexi doonaa haka ay u jihaysanayso Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland iyo damaceeda wax qabad

Leave a Reply