Golaha Guurtida oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 82-aad oo Qodobo xasaasi ahi ay ku jiraan

0
186

Hargeysa (Dawan)Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay ajandaha Kalfadhiga 82-aad ee golaha, kaas oo ay ku jiraan qodobo xasaasiya oo ay ka mid yihiin Xeerka Madax dhaqameedka, xaaladaha dalka hadda ka taagan, xeerka Garyaqaanka guud iyo qodobo kale.

Qaar ka mida xildhibaanada ayaa soo jeediyay in xeerka doorashooyinka lagu soo daro ajandaha si xal loogu helo khilaafka ka dhashay soo kala horraysiinta doorashooyinka dalka.

Dood dheer kadib guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa guddoomiyaha iyo mudayaasha la wadaagay nuxurka doodii mudanayaasha.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa cod galiyay ansixinta ajandaha Kalfadhiga 82-aad  intaas kadib waxa uu ku dhawaaqay codaynta, waxaanu sheegay in 44 mudane fadhiyeen, 41 mudane u codeeyeen, 1-na wuu diiday 1-na wuu ka aamuseyn guddoomiyuhana muu codayn, sidaasi ayuu ku ansaxay.

 

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in mudnaanta koobaad markasta la siinayo nabadgelyadda.

Waxaanu yidhi.“Markasta nabadgelyada ayaa mudnaanta koobaad leh, dagaalku nabadgelyada ayuu ka mid yahay, oo nabadgelyada ayuu jabinayaa, marka markasta nabadgelyadu mudnaanta wey leedahay”

Gaba-gabadii waxa uu mudanayaasha ku wargeliyay in ay ajandaha ka soo baaaraan dagaan, isla markaan maalinta bariya isugu yimaadaan fadhigan fadhiga xiggaa.

Leave a Reply