Waxgaradka Gobolka Hawd oo Sheegay inay lama Taabtaan tahay Nabadgelyadu

0
116

Baligubadle( Dawan)Cuqaasha  Waxgaradka  Dhallinyarada iyo Haweenka Gobolka Hawd ayaa sheegay inay lama  taabtaantahay Qaranimada Somaliland iyo Nabadgelyadu.

Cuqaasha  Waxgaradka  dhallinyarada iyo Haweenka gobolka Hawd oo shalay  Warbaahinta  qaranka  kula hadlay  Magaalada Baligubadle  ayaa waxa ay  ku baaqeen in meel looga soo wada jeedsado  adkaynta Xasiloonida dalka,waxaaana  ay  soo dhaweeyeen go,aankii Koomishanka  Doorashooyinka qaranka  ee qabsoomida Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Mid ka mid ah Waxgaradka gobolka Hawd ee halkaa ka hadlay  ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan  go,aankii ay ku dhawaaqeen Koomishanka  Doorashooyinka   ee qabashada  Doorashooyinka.Waxaana uu yidhi”Hadaanu nahay Bulsho weynta Gobalka  hawd  waxa aanu taageeraynaa  Nabedgalyada iyo gooni isku  taaga  qaranimada Somaliland,waxa  kale oo aanu  taageeraynaa go,aankii ay ku dhawaaqeen Koomishanka  Doorashooyinka qaranka  ee qabashada  Dooraashada Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.waxa aanu  Cambaaraynaynaa cid  kasta oo ka soo horjeeda  qaranimada Somaliland, Xukuumadda sharci  ayay ku timid xoog  inagumay  qabsan waynu  dooranay,”.

Sidoo kale mid ka mida Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobalka hawd ayaa waxa uu usoo jeediyay in la wada ilaashado  nabedgalyada.Waxaana uu yidhi”Nabedgalyada  Somaliland waalama  taabtaan waxaana aanu  leenahay  hadaanu gobalka hawd hala wada ilaashado nabedgalyada, waxaana aanu taageeraynaa mudadii Koomishanka Doorashooyinka u cayimeen qabsoomida doorashooyinka,

Leave a Reply