Guddida Mashrcuuca Abaar-tire oo kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa iyo Qodobo Mihiima oo ay ka wada hadleen

0
127

Hargeysa (Dawan) Guddida maamusha Mashruuca Abaar-tire ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Kulanka guddida hagta mashruuca Abaar-tire, oo ka kooban wasiirka wasaaradda Maaliyadda JSL, wasiirka biyaaha, agaasimaha guud ee wasaaradda  Biyaha, wasiir ku xigeenka iyo isu’duwaha Mashruuca.

Mashruucan oo  ah mashruuc uu maalgeliyey Baanka adduunku, kaas oo ay fulinayso wasaaradda horumarinta  Biyuhu, waxa guddida warbixin ka siiyay  Isu’duwaha Mashruuca Eng. Hamse, waxaanu sheegay in hadda mashruucu meel wanaagsan marayo.

Intaas ka dib guddida ayaa boggaadiyey mashruuca iyo qaabka uu u socdo fulintiisu, isla markaasna ka dooday oo falanqeeyey  habka loo wadayo hawlaha mashruuca ee hadda gacanta lagu hayo.

 

 

 

 

 

Leave a Reply