Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ka Hadashay Tirada Xoolo la Daweeyay

0
214

Hargeysa(Dawan)Wasaarada  Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ayaa sheegtay in ay ka talaaleen Xanuuno  hal  milyan oo neef.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga  Cabdiqani  Xaamud  Cawaale ayaa waxa uu  sheegay  in lixda  Gobal ee dalka ka  sameeyeen hawlgal lagu dawaynayay Xoolaha,isla,markaana ay wacyigalin siiyeen xoolo  dhaqatada.

Cabdiqani  Xaamud  oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Sannadkan 2023 ee  aynu ku jirno ee 20 kii bishii February,waxa aanu hawlgalinay kooxo  sameeyo  dawaynta Xoolaha oo ka hawlgalay  lixda gobal,waxa aanu hawl galinay 25 kooxood  oo ka hawlglayay lixda  gobal ee dalka,oo tiiim  kiiba  waxa uu  ka koobnaa shan  qof iyo afar  dhakhtar oo caawinayay iyo kalkaaliyaashii degmooyinka Caafimaadka Xoolaha.ujeedada waxa ay ahayd in laga daweeyo  xanuunada  xoolaha,waxaana aanu  dawaynay hal  Milyan oo neef.waxaana la  siiyay dawooyin   nafaqayn iyo fiito  miin 230 kun oo Neef oo kala  duwan,dhamaan  xoolahaasi  way  Caafimaad qabaan.waxaana la   wacyigaliyay  200 oo kun oo qof  oo xoolo dhaqata,waxa kale  oo  kalkaaliyaasha Caafimaadka Xoolaha   soo  gureen Xanuunada ka soo gudbay   xuduudaha waxaana ay keeneen   waaxda Caafimaadka ee Wasaarada,

 

Leave a Reply