Shirka Daneeyeyaasha Bahda Cadaaladda ee Carruurta Sharciga Khilaafta oo ka Qabsoomay Hargeysa

0
293

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda JSL, Mudane Ismaaciil Saleebaan Maxamed (Bowkax),    ayaa furay shirkii bilaha ahaa ee daneeyayaasha bahda caddaaladda carruurta.

Ujeedada shirkan ayaa ahayd soo bandhigista  xogtii laga soo uruuriyey saldhigyadda booliska iyo Xabsiyadda bishi u danbaysay.

Sidoo kale waxa mudadii shirku socday la isla eegay xogta   ay hayaan hay’addaha bahda caddaaladda caruurta ka shaqeeya iyo gudiyadda lixda xafadood ee gobolka  Maroodi-jeex.

Geesta kale waxa intii uu kulanku socda lagu gorfeeyay xogtii laga soo ururiyay    xabsiyadda iyo saldhigyadda lixda gobol ee JSL.

Shirkan oo ay bil walba qabato wasaaradda caddaaladda JSL ayaa diiradda lagu saraa sidii loo yarayn lahaa danbiyadda ay galaan carruurta sharciga khilaafta, isla markaana xadhigood loogu badali lahaa xarumo dhaqan celineed oo wax lagu baro si loo helo caruur bad-qabta.

Waxana Kulankaa kasoo qaybgalay xubno ka socday wasaarada arrimaha gudaha, horumarinta caafimaadka, wasaaradda Ciyaaraha, booliska, Ciidanka Asluubta, Xeer ilaalinta, Maxkamadaha, Baahi-koob, Hava-yoco, Daladda Nagaad, Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka, BVO iyo gudida xaafadaha 26-juun, Gacan-libaax, Koodbuur, Maxamed Mooge, Axmed Dhagax, 31-ka May iyo ururada bulshada.

Leave a Reply