Qiimeyn lagu Sameeyay Wax-soo-Saarka Beeraha Gobolka Togdheer

0
174

Burco (Dawan)    – Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim iyo Madax-qaybeedka soo kabashada ee hay’addda WFP u qaabilsan Somaliland   Cabdikariim Yuusuf Daahir, ayaa si wada jira u soo qiimeeyay Wax-soo-saarka Beeraha ee Togdheer, Oodwayne iyo Sheekh.

Qiimayntan ayaa waxaa lagu ogaanayay sugnaanta cuntada, gaar ahaan waxaa qiimayntu xoogga saartay in la ogaado xaddiga Beeraha ka soo go’aya, gaar ahaan hadhuudhka, galayda iyo digirta, iyo sidoo kale khudaarta in si guud loo ogaado.

Qiimayntani ayaa ah mid Wasaaradda Beeraha JSL ka samayso guud ahaan dalka, iyada oo kaashanaysa hay’adaha FSNAU iyo WFP iyo hay’ado kale oo ay Bah-wadaag yihiin.

Marka qiimaynta Wax-soo-saarku dhamaato waxaa loo soo bandhigaa xogtan, si hay’addaha dalka ka shaqeeyaa u ogaadaan xaaladda beeralaydu ku sugan tahay, si wax loogala qabto hadba waxay u baahan yihiin.

Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi, ayaa sheegay in Gobolka oo uu Wax-soo-saarkiisu hooseeyay uu  Xafiiskiisu wacyi-gelin ka sameeyay 90% tan iyo markii uu la wareegay xilka Isku-duwe-nimo oo ahayd bishii saddexaad ee sannadkan 2023.

Dedaalkaa Wacyigelineed ee ay sameeyeen Isu-duwe Cabdirisaaq iyo Hawl-wadeennada Xafiiskiisu, ayaa horseedday in Wax-soo-saarka Gobolka Togdheer kordho, sida Qiimayntan lagu ogaaday.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxda Wasaaradda Beeraha ee uu ugu horreeyo Wasiir Cabdiqaadir Iman Warsame ay diyaar u yihiin inay Beeralayda Gobolka Togdheer iyo Gobolladakaleba ka taageeraan suulinta wixii caqabad ah ee haysta, sida La-dagaalanka Shimbiraha iyo Xasharaadka waxyeeleeya wax-soo-saarka.

Wuxuu sheegay in Xafiiskiisa oo ka duulaya qorshaha Wasaaradda Beeraha iyo Madaxdeeda ay sameeyeen Hawl-gallo Beeraha Gobolka lagaga buufiyey xasharaadka dhibka ku haya, lana siiyey Beeralayda Qalab, Tababarro iyo Siidh, taasi oo ka mid ah waajibaadka Wasaaradda Beeraha.

Isu-duwuhu waxa kale oo uu sheegay inay jiraan Mashaariic waxtar leh oo laga fulin doono Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay isla qaateen Madaxda sare ee Wasaaradda Beeraha.

Isu-duwe Cabdirisaaq, wuxuu sheegay in qiimaynta ay wada sameeyeen Xafiiskiisa, WFP iyo Xogaha FSNAU ee Wax-soo-saarka Beeraha dhawaan la soo bandhigi doono.

Leave a Reply