Hargeysa: Ciidanka Dab-demiska oo 14 Qof ka soo Badbaadiyay Fooq Gubtay

0
130

Hargeysa(Dawan)Ciidanka  Dab-demiska Caasimadda Hargeysa ayaa  habeen nimadii Salaasada  2:30  habeenimo  ka soo badbaadiyay 14 Qof  oo deganaa dhisme Saddex  dabaq ah oo dab qabsaday oo  ku yaalla badhtamaha  Hargeysa.

Ciidanka  Dab-demiska oo ka hawlgalay daminta  dabka ka kacay  fooqa ku yaala  agagaarka suuqa Heegada  ayaa ku guulaystay in ay damiyaan oo xakameeeyay in aanu ku fidin dabku fooqyo  badan  oo ka ag dhawaa,waxaana la badbaadiyay hantidii taalay.

Sidoo  kale  Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland  Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa   usoo jeediyay  dadweynuhu in ay ka waantoobaan dhismeyaasha kala duwan iyo fooqyada laga hor dhisayo Jiingadaha iyo Buulasha kuwaas oo Sababi kara in uu Dab ka kaco.

 

 

 

Leave a Reply