Raysal-wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo Xaaskiisa oo ku Dhawaaqay inay kala tageen

0
145

Raysal-wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo xaaskiisa Sophie Gregoire Trudeau, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay kala tageen 18 sano oo ay is qabeen.

Labaduba waxay ku sheegeen bayaan ay soo dhigeen Instagram-ka inay go’aanka gaadheen ka dib “markii ay wada qaateen wada hadal macno leh oo adag.” War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in labaduba ay saxeexeen heshiis sharci ah oo ay ku kala maqnaanshaha.

Trudeau, oo 51 jir ah oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Kanada, ayaa xafiiska loo dhaariyay 2015. Lamaanuhu waxay is guursadeen 2005. Waxay leeyihiin saddex carruur ah, Xavier oo 15 jir ah, Ella-Grace oo 14 jir ah iyo Hadrien oo 9 jir ah.

“Waxaan sii ahaaneynaa qoys dhow oo leh jacayl qoto dheer iyo ixtiraam midba midka kale ah iyo wax kasta oo aan dhisnay oo aan sii wadi doono inaan dhisno,” ayey labaduba ku sheegeen Instagram.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa in uu ku sii noolaado Rideau Cottage ee Ottawa, halkaas oo uu ku noolaa tan iyo 2015, carruurtuna halkaas ayey ku sii noolaan doonaan si ay u ilaaliyaan xasilloonidooda., sidaa waxa sheegay Sarkaal ku dhow labadooda.

Sarkaalku wuxuu sheegay in Sophie ay u guurtay guri gaar ah oo Ottawa ah, laakiin ay wakhti ku qaadan doonto Rideau Cottage, siiba wakhtiyada uu safarka ku maqan yahay Trudeau. 

Sophie sanadihii u dambeeyay door aan muuqan ayey ka ciyaaraysay Ra’iisal wasaaraha agtiisa, mar mar iyo dhif ayaa lagu arkayey safarada rasmiga ah ee ay Ra’iisal Wasaaraha. Labadan qof ayaa si fagaare ah loogu arkay xafladaha Maalinta Kanada ee Ottawa bishii hore.

“Waxay sii ahaanayaan qoys dhow, Sophie iyo ra’iisul wasaaruhuna waxay diiradda saarayaan sidii ay carruurtooda ugu korin lahaayeen jawi nabdoon, jacayl iyo iskaashi,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay xafiiska Trudeau. “Qoysku waxay wada joogi doonaan fasax, laga bilaabo toddobaadka soo socda.”

Xafiiskiisu waxa uu codsaday ixtiraamka gaar ahaanshaha.

Justin Trudeau iyo Sophie Gregoire waxay ku kulmeen caruurnimadooda, waxayna dib u xidhiidheen iyaga oo qaan-gaadh ah markii ay wada-jir martigaliyeen xaflad samafal ah 2003.

Trudeau waa ra’iisul wasaarihii labaad ee ku dhawaaqa kala taga isaga oo xilka haya.

Sidaas oo kale Aabihii, Pierre Trudeau, iyo hooyadii, Margaret Trudeau, waxay kala tageen 1979 waxaanay is fureen 1984 wakhtigaas oo Odayga Trudeau uu ku jiray sannadkii ugu dambeeyay ee xafiiska ra’iisul wasaaraha. Waxa ka soo wareegtay 39 sanno wakhtigii hooyadii la furay.

Justin Trudeau ayaa u soo bandhigay awood la mid ah tii aabihiis, halyeygii Liberal markii ugu horaysay ee uu ku guulaysto xafiiska 2015. Fadeexado, daalka codbixiyayaasha iyo sicir bararka dhaqaale ayaa saamayn ku yeeshay caannimadiisa kadib sideed sano oo uu xukunka hayay.

Leave a Reply