Shirweynaha 5-aad ee ICT-ga Qaranka oo ka Furmay Hargeysa

0
229

Hargeysa (Dawan) Shirweyanaha 5-aad ee ICT-ga Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa, shirweynaha oo ay  soo qaban qaabisay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, oo loogu talogalay in lagu faaqido wax yaabaha ku soo kordhay iyo waxa iska bedelay Tiknoolajiyada casriga ah ee xawliga ku socota iyo sidii looga faa,iidaysan lahaa.

Shirweynaha 5-aad ee ICT-ga Somaliland ayaa waxa ka qayb qaadanaya shirkadaha Isgaadhsiinta dalka iyo sidoo kale shirkadaha bixiya adeegyada tiknoolajiyada kuwaas oo ku soo bandhigayay madasha shirka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil ayaa sheegay in sanadkiiba hal mar ay qabtaan shirkaas oo la isugu keeno dhammaan daneeyayaasha Tiknoolajiyadda sida laamaha dawladda, shirkadaha Isgaadhsiinta, shirkadaha ganacsiga, ardayda iyo aqoonyahanka bartay Tiknoolajiyadda, si loo soo bandhigo daraasado iyo cilmi baadhisyo laga sameeyay qaabka looga faa,iidaysan karo Tiknoolajiyadda casriga ah.

Halku-dhiga sanadkan shirweynaha ICT-ga Somaliland ayaa ah isbadelka Tiknoolajiyadeed iyo helidda kaabayaal waara, kaas oo lagu lafo-gurayo sidii loo heli lahaa ama loo horumarin lahaa kaabayaasha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda casriga ah.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Suufi Jibriil o faahfaahin ka bixinaya Shirweynaha 5-aad ee ICT-ga Somalilad.

Waxaanu yidhi. “Ujeedada shirku waxa weeye in sanadkii hal mar la isku yimaado, la eego kolba isbadelka Tiknoolajiga sida looga faa,iidaysan karo iyada oo la soo bandhigayo daraasado iyo cilmi baadhisyo la sameeyay, sidoo kalena la soo bandhigi doono qodobyo gaar ah oo leh mudnaanta, shirkaduhuna ay fursad u helaan inay soo bandhigaan adeegyada cusub ee ay bulshada u hayaan.

Sanadkan hal-kudhigu waxa weeye isbadelka Tiknoolajiyadeed iyo helida kaabayaal waara, waxa lagu lafa gurayaa sidii lagu heli lahaa ama loo horumarin lahaa kaabayaasha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda casriga ah, iyada oo aynu ognahay in adeegsiga Tiknoolajiyadu uu aad u horumaray haday noqoto qalabka oo uu ugu horeeyoTilifoonku iyo haday noqoto nidaamka iyo hannaaka gudaha ee uu ku shaqeeyo Tiknoolajiyadda casriga ah iyo haddii ay noqotaba adeegyada laga helo Tinoolajiga’’

Sanadkan ayaa ah sanadkii shannaad ee ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ay si xidhiidh ah u qabto Shirweynaha ICT-ga Somalilad, kaasi oo marka uu dhammaado laga soo saaro qodobo noqda maxsuulka shirweynaha si loo helo in la gaadho kaabayaal Tiknoolajiyadeeda oo waara.

 

 

Leave a Reply