Wefti ka Socda Dawladda UK oo Kulan la Yeeshay Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Somaliland

0
251

Hargaysa (Dawan): Xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland ayaa shalay Caasimadda  Hargaysa kulan kula  qaatay wefti ka socday baarlamaanka dalka Ingiriiska

Weftiga ka socda baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa booqasho gaaban ku yimi Somaliland
Wasiirrada kulanka la yeeshay ayaa kala ahaa Wasaaradda Arimaha Gudaha  Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, iyo Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Weftiga xildhibaanada Ingiriiska oo ay  hogaaminaysay MP Alicia Kaearns, oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska.ayay xubnaha wasiirrada ee kulanka ay wada yeesheen ay ka wada hadleen xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska ee soo jireenka ah iyo sii xoojintiisa.
Waxaa kale oo ka mid ahaa weftiga ka socday baarlamaanka Ingiriiska Mp Rushanara Ali iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbixin ka siiyey  weftiga xaaladda guud ee nabad-gelyada Somaliland oo ah mid ku taagan tiirar adag.

Iyadoo nabad-gelyada Jamhuuriyadda Somaliland ay macno wayn ugu  fadhido nabadda geeska Afrika.

Geesta kale weftiga iyo wasiirrada ayaa ka wada hadlay xidhiidhka Dawladda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska, ka dhexeeya kaasoo ah mid soo jireen ah.

Doorashooyinka, Dumuqraadiyada, Isbedelka Cimilada iyo xoojinta xidhiidhka labada dal.

Kulankan waxaa wasiirada ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, iyo masuulin kale oo ka mid ah wasaaradda Arrimaha gudaha, iyo xukuumadda Somaliland.

 

 

Leave a Reply