Qisaska Waxbarasho iyo Dugsiyada Cajiibka ee Caalamka!

0
199

Kanta More waa islaan Ayeeyo ah oo 60 sano jirtay waxaana ay  subax kasta ku kalahdaa dugsiga ay dhigato  Ajibainchi Shala oo ku yaalla duleedka Magaalada Mumbai ee dalka Indiya. Waxay aamisntahay odhaahda ah “ Ma jirto da’ lagu dhameeyo waxbarashada, oo aan mar danbe lagu laabanayn”. Waxaana ay tidhi “ Qof kasta wax yar ayuu bartay, waa inaad wada aqoonta ilaa dhimashada”.

Kanta oo gashan dharka lebiska u ah dugsiga oo shandeeda ku sidata dhabarka isla markaana ay la socoto gabadh kale oo dugisga ah ayaa dugisga ku socda. Waxaana ay qaadayaan heesaha dugsiga lagu furo  subaxa hore.

Dugsigan waxa loo dhisay islaamaha da’da ah si ay waxbarashada u sii wataan isla markaana u dhameeyan ugana gaadhaan heer jaamacadeed.

Dugsigan oo ku yaalla  tuulada Fangane ee Thane (Mumbai) ayaa sida warbixinta PTI lagu sheegay dugsiga waxa dhigta Ayeeyoyin iyo moocayo da’doodu u dhaxayso 60- 90 sano, kuwaasi oo si joogto ah u taga waxna ka bartay. .

Dugsiga ayaa ujeedadiisu loo asaasay tahay  in kor loogu qaado waxbarashada islaamaha da’da madaama goobtan ay ku badan yihiin beeraha iyo beeraladu.

 

 

 

 

Leave a Reply